Jadwalka subaxa Ciida

Monday April 08, 2024 - 12:18:45
hadhawanaag
Caruurta udir xaafad qaraabada ama goobo dalxiis...



Xili hore diyaargarow masaajidkana sii tag si aad oga fogaato waqti ciriiri.


Gabadha kula dhalatay howsha guriga qabaneyse bisha oodhan iyadoo sooman hadiyad si kadis ah oga dhig una muuji mahadcelin waa wax iska fudud iyadana agteeda wax weyn ka ah


Qaar ka mida asxaabtada ku casuum xaafadada waa maalin ku haboon in aad waqti la qaadato saaxiibadaa

Haku mashquulin labiska dadka hareerahaaga jooga waxna haka sheegin


Caruurta udir xaafad qaraabada ama goobo dalxiis iwm waa maalintoda ha farxaano

Xaqul ciidka caruurta ka taxadar oo wax xoogaa jeebka kusii diyaarso wey kugu tashanayan


Waa maalin ay muslimiinta oodhan faraxsan yihiin sidaa daraaded qof walbo aad aragto ku dheh ciid mubaarak ciid wanaagsan


Ka digtoonow inaad hurdo ku dhameysato maalintas adigoo is dhaafinaya

Ilahey nabad ha inagu gaarsiiyo

Hammami Abdi

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...