Magaca Xildhibaan Cusub Oo Loo Dhaariyay In Uu Kamid Noqdo G. Guurtida SLAND.

Monday March 11, 2024 - 14:56:40
hadhwanaag
"Xubinta la dhaariyay ayaa buuxiyay, jago uu dhawaan banneeyay"




Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Aadam X. Cali Axmed, ayaa dhaariyay Qaasim Xuseen Madar, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaya mudanayaasha Golaha Guurtida JSL.


Xubinta la dhaariyay ayaa buuxiyay, jago uu dhawaan banneeyay, Alle ha u naxariistee marxuum Xuseen Madar Xoosh, taasi oo uu Guddoomiyaha Golaha Guurtidu Maxkamadda Sare u soo gudbiyey, codsi uu ku dalbanayo in xilkaasi loo dhaariyo, mudane Qaasim Xuseen Madar, si uu u buuxiyo jagada banaanaatay.


Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu qaranka ugu adeego, si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.


ALLAA MAHAD LEH
Ibraahim Maxamed Cali
Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare JSL
     
Loading...