Waxa jiri jirey Boqor il ka cawarnaa – lugna la’aa (oo laangadhe ahaa) , Hadaba maalin maalmaha ka mid ah , ayaa waxa uu Wasiirkiisii Boqortooyada ku amray in uu u keeno fanaaniin farshaxaneed oo SAWIR gacmeed qurux badan Boqorka ka qaada , oo ceebaha uu leeyahay Boqorku qarin kara .
Wasiirkii Boqortooyada fanaaniin badan oo gacanta wax ku SAWIRTA ayuu isugu yeedhay , waxaanu u sheegay inuu doonaayo , in sawir gacmeed boqorka laqa qaadaayo , waxaana sharadh ah , in ceebaha bokorku uu leeyahay oo dhan la qariyo .
Hadaba waxa aad u adkaatay , sidii ay ku suurto geli lahayd , ee Boqorka laba indhood loogu yeeli lahaa , isaga oo boqorku leh il qudha , iyo sidii boqorka laba lugood loogu yeeli lahaa , isaga oo boqorku lug qudha leh .
Laakiin waxa dhacday in uu fikrad fiican keenay mid kamid ah fanaaniintii laysugu yeedhay , waxaanu yidhi : waxaynu SAWIRAYNAA Boqorka oo qori (bunduq) gacanta ku haya , sidii qof wax ugaadhsanaya oo kale , halkaana Boqorku ilbuu isku qabanayaa , ISHAASUNA waxay noqonaysaa , ISHII uu Boqorku ka cawarnaa ( uu la’aa) .
Jilibkana boqorku dhulka ayuu dhigi doonaa , ilayn waxbuu ugaadhsanayaaye oo dhinacna wuu isu qaloocin doonaa , halkaana waxa ku qarsoomi doona lugtii uu la’aa boqorku .
( waxa soo bixi doona sawir qof dhinac qudha laga sawiray oo jilibka dhulka dhigay oo wax tooganaaya , halkaana waxa qarsoomi doona , ishii uu la’aa boqorku iyo lugtii uu la’aaba ) .
Halkaa waxa ka soo baxay SAWIR qurux badan oo aan ceebihii boqorku ka muuqan ,
Kooxdii fanaaniinta farshaxanka ee sawir cagmeedka samaysay , way ku guulaysteen in ay soo saaraan sawir qurux badan oo aanu boqorku ceeb lahayn .
laakiin ilaa muddo intee le’eg ayay ceebahanu qarsoomi karaan , illayn Boqorku xilbuu u hayaa ummadda oo wuxuu ku qasban yahay , in uu shacabkiisa la kulmo , waana la wada ogaan doonaa ceebaha boqorka , si kastoo loo qariyoba .
Runtuna waa sida iftiinka cadceedda oo kale oo lama qarin karo , Beenta iyo isqurxinta dhalanteedka ahina wax badan ma jiraan , goor ay noqotona waa la ogaan doonaa runta .
Boqorkii yidhi i qurxiya , way u suurto gashay markan in sawir qurxoon la sawiro .
laakiin sawir waaraya maaha iyo been waari doonta .
M.biixi ceebihiisa iyo guul darooyinkiisa siyaasadeed, waa la wada ogyahay. Oo lama qarin karaayo , inaanu ahayn qof dal iyo dad hogaamin karaaya.
Hadava waa in dalka iyo dadka laga badbaadiyaa , wixii hadhay .
CALI BIIXI
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!