Masjidka Ugu Weyn Afrika Oo Laga Furay Dalka Algeria

Tuesday February 27, 2024 - 09:56:16
hadhwanaag
"waxa uu leeyahay minaaradda adduunka ugu "



Dalka Aljeeriya ayaa laga furay masjidka saddexaad ee ugu weyn caalamka, uguna weyn Afrika, kaasoo muddo sanado ah dib u dhac ku yimid iyadoo ay jiraan isbedello siyaasadeed, ka hor bisha barakeysan ee Ramadaan.


Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune ayaa Isniintii si rasmi ah u furay Masjidka weyn ee Algiers oo ku yaal xeebta Mediterranean-ka ee Waqooyiga Afrika.


Waxa loo yaqaannaa Djamaa El-Djazair, waxa uu leeyahay minaaradda adduunka ugu dheer oo dhererkeedu yahay 265 mitir (869 cagood), waxa uu qaadi karaa 120,000 oo qof, waana masaajidka ugu weyn adduunka oo keliya marka laga soo tago goobaha ugu barakaysan ee Islaamka ee Makka iyo Madiina ee Sucuudiga.

     
Loading...