Somaliland Oo Soo Saartay Natiijada Baadhis Ay Ku Samaysay Maydka C/naasir Dahable.

Sunday February 25, 2024 - 17:08:32
hadhwanaag
"Baadhitaan qaatay 48 saacadood waxaanu ku ogaanay natiijadan ..."




Hargeysa, February, 25, 2024   (HWN- Baadhis uu si madaxbannaan cisbitaalka guud ee magaalada Hargaysa uu ku sameeyay maydka Cabdinaadir Muuse Dahable, oo dhawaan lagu dilay Muqdisho, ayaa lagu ogaaday in jidh dil loo gaystay markii la dilayay.


Agaasimaha Guud ee cisbitaalka Hargeysa Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhibaatooyin aad u badan loo gaystay Dahable, isla markaana ceejo nafta lagaga qaaday.


Waxaanu yidhi."Baadhitaan qaatay 48 saacadood waxaanu ku ogaanay natiijadan hoos ku xusan, in lagu ceejiyay xadhig ay dhumucdiisu wayntahay, kaasi oo qoortiisa lagu hayay 5 ilaa 7 daqiiqo, in daanka midig uu jabanyahay, xiniinta bidixna ay qaraxday, isha bidixna way burbursantahay gabi ahaanba" 
 

Waxa kale oo uu sheegay in nabaro badani ay ka muuqdaan jidhka Dahable, taasi oo uu sheegay in ay muujinayso in uu isdifaacayay kahor intii aanu geeriyoonin, waxa uu sheegay in carabka iyo ilku ay is galeen, taasi oo muujinaysa in uu dagaalamayay.


Waxa uu sheegay in xad gudub loo gaystay maydka Dahable kahor intii aan la keenin Hargeysa, isla markaana qaboojiyihii uu ku jiray korontada laga jaray saddexdii cisho ee u danbaysay ee uu Xamar yaalay, taasi oo uu ku tilmaamay danbi wayn.


Geesta kale waxa uu sheegay in korontada looga jaray qaboojiyaha si marka uu maydku isbadalo aan loo arag dhaawacyada soo gaadhay, sidaa darteedna anay suuragal u noqon baadhis kale oo lagu sameeyaa.


Agaasimuhu waxa uu sheegay in baadhista ay sameeyeen ay tahay mid madaxbannaan oo anay xukuumadu wax lug ah ku lahayn, isla markaana qoyska Dahable ayuu sheegay in ay ka codsadeen baadhista isbitaalka.
     
Loading...