"Kursi La weeraraa, Kursi La Weeraro Ayuu leeyahay!" Aqoonyahan Jamacl Cali Xuseen

Thursday February 08, 2024 - 17:25:41
hadhwanaag
"Waar sheikh sowdigan kursigaygii iyo xafiiskaygii fadhiistay!"



Hargaysa (HWN) Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa ka sheekeeyayay Sheekadan oo nuxurkeedu yahay in kursi  la weeraraa uu kursi laweeraro leeyahay.


"Siyaasigii weynaa ee Maxamed Abshir Muuse Oo marna Taliyihii Booliska Soomaliya ahaan jiray lixdameeyaddii Ilaahay haw naxariistee beri ayuu xafiis siyaasadeed ka furtay magaaladda Boosaaso ka dib burburkii dawladdii Dhexe. Haddaba Maxamed Abshir masaajid u dhow xafiiskiisa ayuu salaadda subax ku tukan jiray ka dibna xafiiskiisa ayuu iman jiray halkaasoo uu siyaasiyiin badan kula shiri jiray. Haddaba dhowr jeer ayuu Maxamed Abshir u holadday ama doonay in uu salaadda subax tujiyo oo uu sheekhii masaajidka ka codsaday. Sheekhii masaajidkuna wuu ka dhego adaygay codsigaasi. Maalintii danbe ayuu Sheekhii ka soo yara habsaamay xilligii salaadda subax la tukan jiray. Maxamed Abshir oo sida caadaddu ahayd ka mid ahaa dadkii subax walba ku tukan jiray ayaa dadkii masaajidka ku dhiiri-geliyey in ay iska sii tukadaan maadama aanu Sheekhii weli imanin xiligaasi. Wax ay is yara adkeeyaanba waa la aqiimay oo salaaddii waxaa tujiyey Maxamed Abshir. Sheekhii ayaa yimid iyaddoo rakcaddii labaad lagu jiro oo jamacii ayuu xagga danbe kaga xidhay kolkuu dhameystayna intuu deg-deg kabahiisii u xidhay ayuu tegay xafiis siyaasadeedkii uu Maxamed Abshir ka ag furtay masaajidka.
 

Ninkii xafiiska hayey ayuu ku yidhi odaygii baan u baahnaaye bal ii fur xafiiska aan ku sugee. Waa sheekhii masaajidkee waa la aqbalay oo xafiiskii Maxamed Abshir ayaa loo furay oo kursigiisii ayaa intuu ku fadhiistay uu weliba isku wareejiyey. Cabaar yar ka dib waxaa soo galay Maxamed Abshir oo kolkuu xafiiskiisii soo galay anfariir intuu yaabay ku yidhi sheekhii; "Waar sheikh sowdigan kursigaygii iyo xafiiskaygii fadhiistay!” Sheekhiina isagoon is lurin ayaa wuxuu ugu jawaabay hadal muhiimadiisu ay ahayd; "Ina Abshiroow kursi la weeraraa, kursi la weeraro ayuu leeyahay!” Yaab!”


Sheekadan ayaa ku soo beegmaysa xili qaar kamid ah madax dhaqameedka beesha Habar Awal ay sheegeen inay xilkii ka qaadeen suldaanka guud ee beesha Habar Awal Suldaan Xasan, taasi oo dadka qaarkii ay ku doodayaan in Muuse Biixi wado qorshaha xilka lagaga qaadayo Suldaan Xasan.
     
Loading...