Xukuumada SLAND Oo Mucaaradka Ku Eedaysay in Ay Isticmaalayaan Siyaasad Qabiilaysan

Saturday February 03, 2024 - 20:38:39
hadhwanaag
"Hawshiisa u mari mayno dariiq beelaysan, iyo in aynu marba buuro fuulo".







Hargaysa (HWN) Xukuumada Somaliland ayaa xisbiyada mucaaradka ku eedaysay in ay nidaam qabiil ku raadiyaan kursiga madaxweynaha.


Wasiirka Arrimaha Guddaha ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ayaa mucaaradka ku eedeeyay in anay wax masuuliyad ah iska saarin ilaalinta jiritaanka Somaliland.


Waxa uu sheegay in dadka xukuumada kasoo horjeeda oo uu mucaaradka ula jeedo, ay dariiq qabyaaladeed kursi kuraadinayaan, isla markaana anay wax masuuliyad ah iska saarin ilaalinta Somaliland, taariikhda dhismaha Somaliland na anay waxba ku lahayn.


Waxa uu sheegay in ka xisbi ahaan ay isku dayi doonaan in madaxweynaha xiga ee Somaliland uu Kulmiye kasoo baxo, isla markaana anay dariiq qabyaaladeed u adeegsan doonon "Hawshiisa u mari mayno dariiq beelaysan, iyo in aynu marba buuro fuulo".


Waxa kale oo uu sheegay in saddexda xisbi ee hadda sharciga ah iyo ururada siyaasadu ay hadda isku meeqaamyihiin, isla markaana saddex xisbi oo cusub la dooran doono dhawaan, ama ay kuwa hadda jooga qaar kamid ahi soo bixi doonaan.
     
Loading...