Kiiska Saxafi Maxamed Ilig Oo Laga Soo Wareejiyay Maxkamadii Ciidan Ee Shalay La Horgeeyay.

Sunday January 14, 2024 - 15:00:01
hadhwanaag
"Shalay markii uu soo baxay warka sheegaya in Saxafigan la horgeeyay maxkamad ciidan"


Hargaysa (HWN) Saxafi Maxamed Ilig oo ah Mulkiilaha MM-TV oo shalay  kiiskiisa la hor geeyey maxkamada ciidanka Qaranka Somaliland ayaa saaka dib looga soo celiyey,  waxaana hada lagu soo wareejiyey maxkamada dadka rayidka ah.


Shalay markii uu soo baxay warka sheegaya in Saxafigan la horgeeyay maxkamad ciidan ayay shacabku aad udhaliileen in saxafi la horgeeyo maxkamad ciida.


sidoo kale xildhibaano iyo musharaxa madaxwayne ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Ciro ayaa kamid ahaa dadka dhaliilay horgaynta saxafigan la horgeeyay maxkamad Ciidan.
     
Loading...