Cabsida Jabuuti Ka Qabto Dagaal Dhexmara Mareykanka Iyo Xuutiyiinta.

Friday December 29, 2023 - 14:40:27
hadhwanaag
"Xuutiyiinta baaq hore ayaan u dirnay, laakiin iskuma fiicnin"



Raysal Wasaaraha Jabuuti waxa uu sheegay inay cabsi ka qabaan dagaal dhex mara Mareykanka oo ciidamadiisu saldhig ku leeyihiin Jabuuti iyo kooxda Xuutiyiinta ah ee Yemen.

 

Waxa uu ku tilmaamay Xuutiyiinta kuwo madax adag, oo aanan dhegeysan cid aan ka ahayn ajnebiga la shaqeeya.

 

"Xuutiyiinta baaq hore ayaan u dirnay, laakiin iskuma fiicnin sababtoo ah waxaan taageereynaa xukuumada sharciga ee Yemen."

 

Sidaas oo aytahay, waxa uu tilmaamay in dowladda Jabuuti ay xiriir la sameysay kooxda Xuutiyiinta oo ay ku wargelisay in aysan wax gantaalo ah usoo ridin dhanka Jabuuti iyaga oo u balanqaaday in Xuutiyiinta aan laga soo weerari doonin dhanka Jabuuti oo ay saldhigyo ciidan ku leeyihiin Mareykanka iyo dalal kale oo reer galbeed ah.

 

"Annaga waxba nagu tuurina; annaga dhankeenna wax idinkaga ma imaanayaa."

 

Waxa uu intaa ku daray Jabuuti ku wargelisay Mareykanka in uusan uga duulin Xuutiyiinta saldhiga uu ku leeyahay Jabuuti, kaas oo uu Mareykanku ku xiran qalab cusub oo qabto gantaalada ay soo tuurto kooxda Xuutiyiinta.

 

Laakiin Raysal wasaaraha Jabuuti kuma qabo kalsooni badan in gantaaladaas ay baajin karaan oo ay qaban karaan dhammaan gantaalada ay ridaan kooxda Xuutiyiinta ah.

 

Waxa uu sheegay in haddii Xuutiyiinta laga weeraro saldhiga Mareykanka ay Jabuuti, in kooxda Xuutiyiintu ay waxyeeleyn karaan garoonka diyaaradaha ee Jabuuti iyo meelo kale oo ka mid ah dalkaas.

 

BBC

     
Loading...