Dowladda Australia ayaa
sheegtay in ay dhimi doonto kalabar soo galootiga labo sano gudahooda iyadoo
isku dayaysa in ay hagaajiso nidaamka socdaalka.
Waxay qorsheyneysaa in
ay hoos u dhigto qaadista ajaanibta ee sanadlaha ah ilaa 250,000 qiyaastii
iyadoo la jaan qaadaysa heerarkii hore.
Xeerarka dalkugalka ee
ardayda caalamiga ah iyo shaqaalaha xirfadaha ayey sidoo kale ku adkaan doontaa
qorshaha cusub.
Wasiirka arrimaha
gudaha Clare O'Neil oo daaha ka rogtay istaraatijiyad cusub oo 10 sano ah isla
markaana la xiriirta socdaalka, ayaa sheegtay in dowladdii hore ay nidaamka
socdaalka uga tagtay qaab xun.
Ilaa 510,000 oo qof
ayaa gaaray Australia ilaa Juun 2023, laakiin wasiiraddu waxay sheegtay in
dawladdeeda ay "gacanta kusoo celin doonto hab maamulkii socdaalka" ayna
hoos u dhigi doonto safarrada sanadlaha ah ilaa 50%.
Tallaabooyinka cusub
waxaa ka mid ah shuruudaha ugu yar ee luqadda Ingiriisiga ee loogu talagalay
ardayda caalamiga ah, iyo baaris dheeraad ah oo ku saabsan kuwa codsanaya
fiisaha labaad waa inay caddeeyaan in daraasad kasta oo dheeri ah ay
horumarinayso hamigooda waxbarasho ama xirfadahooda.
Waxaa jira ilaa 650,000
oo arday ajnabi ah oo ku sugan Australia.
Siyaasadaha cusub waxay
soo jiidan doonaan in badan oo ka mid ah shaqaalaha Australia.
Si kastaba ha ahaatee
kuwa kale, sida Golaha Ganacsiga ee Australia, ayaa waxa ay sheegeen in
soogalootiga loo isticmaalayo si qaldan, marka ay noqoto dhaqaalaha iyo deegaan
ahaan intaba.