Iran Iyo Pakistan Oo Masaafuriyey Ku Dhowaad Milyan Reer Afghanistan Ah

Tuesday December 12, 2023 - 07:14:25
hadhwanaag
"Saraakiisha Pakistan ayaa sheegay in ku dhawaad 490,000 oo qof ay dib ugu laabteen Afghanistan"


Saddexdii bil ee la soo dhaafay, Iran iyo Pakistan ayaa waxay ku qasbeen ku dhawaad 850,000 oo muwaadiniin Afghanistan ah oo aan sharciyeysnayn inay ku laabtaan Afghanistan, oo ay maamusho Taliban, sida ay mas’uuliyiintu sheegeen Axaddii.

 

Hawlgalka ka dhanka ah dadka reer Afghanistan, ee sida sharci darrada ah u deggan dalalka deriska ah, ayaa weli socda, inkastoo Qaramada Midoobay ay ka digtay in jiilaal daran iyo mustaqbal aan la hubin uu sugayo dadka soo laabanaya, kaasoo ka jira qarankooda saboolka ah.

 

Abdul Rahman Rashid, oo ah wasiirka qaxootiga iyo dib u celinta ee Taliban, ayaa Isniintan u sheegay kanaalka TOLO ee maxalliga ah in Iran ay masaafurisay "qiyaastii 345,000" oo Afghanistan ah ilaa toddobaadkii ugu dambeeyay ee bishii Sebtember.

 

Isagoo aan bixin tafaasiil dheeri ah, ayuu Rashiid sheegay in maamulka Taalibaan uu qoys kasta oo soo laabtay siiyay deeq lacageed iyo gargaar kale oo degdeg ah.

 

Maamulka Iran ayaa ballan qaaday in ay masaafurin doonaan dadka u dhashay Afghanistan ee sida sharci darrada ah ku jooga dalkooda.

 

Saraakiisha Pakistan ayaa sheegay in ku dhawaad 490,000 oo qof ay dib ugu laabteen Afghanistan tan iyo markii ay dowladdu amartay in la qabto dhammaan ajaaniibta sharci darrada ah, oo ay ku jiraan dad lagu qiyaasay 1.7 milyan oo qof oo Afghanistan u dhashay labo bil ka hor.

 

     
Loading...