Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan, ayaa Khamiistii ballan qaaday inuu "waa cusub" u furayo xiriirka taariikhiga ah ee dalka ay xifaaltamaan ee Greece, isagoo booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah ku tagay Athens tan iyo 2017-kii.
Kulamo uu la yeelanayo
Ra’iisul Wasaaraha Greece Kyriakos Mitsotakis iyo madaxweyne Katerina
Sakellaropoulou inta lagu guda jiro booqasho shan saac qaadaneysa, hoggaamiyaha
Turkiga ayaa la filayaa inuu kala hadlo arrimaha ganacsiga, arrimaha gobolka
iyo arrinta muhaajiriinta ee xasaasiga ah.
"Waxaan
aaminsanahay in kulanka iskaashiga istaraatiijiyadeed ee Turkiga iyo Greece uu
waa cusub u hoggaamin doono xiriirada,” ayuu Erdogan u sheegay Sakellaropoulou,
isaga oo intaas ku daray "Waxaan u baahannahay niyad wanaag, niyad wanaagganna
wuxuu mustaqbalka noqon doonaa mid miro-dhala.”
Bayaan ay si wada-jir
ah usoo saareen Sakellaropoulou, ayuu Erdogan ku sheegay in hadafka uu yahay in
xiriirka ganacsi ee labada dal uu gaaro 10 bilyan oo Euro, halka hadda uu ka yahay
5.5 bilyan.
Ankara ayaa aheyd
dhufays muhaajiriin tan iyo heshiis-kii ay 2016 la gashay Midowga Yurub, kaas
oo Mitsotakis iyo hogaamiyayaasha Midowga Yurub ay rajaynayaan in la
cusbooneysiiyo.
Diblomaasiyiinta la
socda Erdogan ayaa sidoo kale kala hadlaya dhiggooda Greece arrinta soo
jireenka ah ee ku saabsan muranka dhuleed ee Greece iyo Turkey ee Badda Aegean.
Erdogan ayaa su’aal
galiyay heshiisyadii qarniga soo jiray ee qeexaya madaxbanaanida Aegean,
waxaana diyaaradaha dagaalka Turkey iyo Greece ay si joogta ah u galaan
daan-daansi dagaal oo ka dhaca hawada lagu muransan yahay.
Helitaanka kheyraadka
hydrocarbon ee bariga Mediterranean-ka ayaa sii adkeynaya xiriirka, iyadoo
Ankara ay ka careysiisay Athens 2019 kadib markii ay heshiis muran badan
dhaliey la saxiixatay Libya.
Sannadkii hore, Erdogan
ayaa Greece ku eedeeyay inay "qabsatay" jasiiradaha Aegean, wuxuuna
ku hanjabay: "Sida aan dhahno, waxaa laga yaabaa inaan si lama filaan ah u
nimaadno hal habeen."
Hase yeeshee, xiriirka
ayaa soo hagaagayey tan iyo bishii Febraayo, markii Greece uu samata-bixiyeyaal
iyo gargaar u diray Turkiga kadib dhulgariir weyn oo dilay ugu yaraan 50,000 oo
qof oo ku dhuftay dalkaas.
Mitsotakis, oo xilka
ra’iisul wasaare markii labaad afar sano ku guuleystay bishii June, ayaa sidoo
kale muujiyay inuu diyaar u yahay inuu yareeyo xiisadda Ankara.
Labada hogaamiye ayaa
horey ugu kulmay bishii September magaalada New York oo uu ka socday shirka
golaha guud ee Qaramada Midoobay.