Baanka Dhexe ee oo 12 Billion oo Somaliland Shillin ah ka Saaray Suuqyada Sarrifka ee Dalka

Thursday November 16, 2023 - 10:15:40
Hadhwanaagtv
Qaar ka mid ah shacabka oo iyagu ku sugnaa goobtaasi



Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland oo sii wada hawlgalkii lagu xasilinayay shillin-ka Somaliland ayaa shalay suuqyada sarifka ee dalka waxa uu ka soo saaray lacag ku dhaw 12 Billion oo shillin-ka Somaliland ah kuwaasi oo dheeraad ku ahaa suuqyada lacagaha iyo sarifkaba.


 

Talaabooyinkan isbada-jooga ah ee baanka dhexe ee Somaliland u uku galinayo lacagta adag suuqa ayaa bangigi waxa u uku guulaystay inuu kor-u-qaado qiimaha shillin-ka Somaliland boqolkiiba 4.5, waxaana hawl-galkaasi hogaaminayay qaar ka mid ah hawl wadeenada baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland iyaga oo hawl-galka ka fuliyay suuqa dhexe ee Caasimada Hargaysa.


 

Qaar ka mid ah shacabka oo iyagu ku sugnaa goobtaasi isla markaasina ka adeeganaya suuqyada sarifka iyo qaar ka mid ah sariflayaasha adeega isku badelka lacagaha ee suuqyada dalka ayaa waxa ay soo dhaweeyay talaabooyinkan iyo hawl-galkan ay baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland qiimaha shillin-ka Somaliland waxaanay bulshadaasi iyo sariflayaashaasi ay ganacsatada iyo bulshu waynta Somaliland ugu baaqeen adeegsiga iyo isticmaalka shillin-ka Somaliland iyaga oo sidoo kalena ganacsatada iyo shacabka Somalilad ku dardaaray in la isticmaalo isla markaasina loo hogaansamo sarifka maalinlaha ah ee bangiga dhexe ee Somaliland uu sida joogtada ah uu ula wadaago bulshada, isla markaasina u uku cadeeyo qiimaha sarifka haday noqoto gacanta hore iyo gacanta danbe-ba


 

"Sarif bararku wuu dhammaanaya, sababto ah lacag fara badan ayay suuqa keenen Baanka dhexe, safirlayaashi ayaanu nahay baanka waanu la shaqaynaynaa, ganacsatada iyo bakhaarada waxaanu leenahay waar sicirka suuqa la jaanqaada oo bulshada u naxariista.


 

Qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland, ganacsatada, sarif bararku maalina kor ayuu u kaca maalina hoos ayuu u dhaca ee kadaaya allaabooyinka aad raacinaysaan maalinta sarif barar jiro, dadweynaha waxa looga baahan yahay inay waddaniyada iyo nabadgelyadaba ilaashadaan, iyo ilaalinta shilinkooda, ganacsatada waxaanu leenahay u hoggaansama awaamiirta dowladda anaguba waanu u hoggaansaneā€¯Ayey yidhaahdeen qaar ka mida sariflayaasha dalku.

     
Loading...