Waxaan dhegeytay Suldaan Cadegude hadalkiisii shalay ( Ali Biixi).

Monday November 13, 2023 - 10:34:07
hadhwanaagtv
Garxajis xuquuqdiisio ma haystaa?



Hadaba maxaa hadalkiisa iiga baxay ee ujeedadiisu ahayd?

 

Suldaan cada-gude waxa looga yeedhay Burco oo beeshii caalamka ee somaliland

(Habar-jeclo) ayaa u yeedhay oo shirqool kale la damacsan Garxajis.


Suldaan cada-gude waxa uu doonayaa in uu weydiiyo:

Habar-jeclo meeday doorashadii isku sidkanayd ee aanu idinka ogolaanay ?

 

Muxuu saleebaan Gaal hoosta u dhigay?


 

Iyaguna (Habar-jeclo) qorshe kale Iyo Shirqool kale ayay wadataa oo ah

In ay Garxajis dagaal geliso, Oo Garxajis dagaal ku dhawaaqo uu Dhulbahante la dagaalamaayo


Oo isaaq uu difaacaayo.

Markaas kadib Saleebaan Gaal

Waxa uu ku dhufanayaa dubaha in dalku dagaal ku jiro

Oo aanay doorasho dhacayn .(hadalkii M.biixi-na wuu ku jiray in dalku dagasl ku jiro).

 

Garxajis dagaal cagaha loo geliyo .


 

Hadaba hadii sidaasu dhacdo oo H-J

Garxajis u noqoto Caqligii Iyo Maskaxdii


Oo salaadiinta Habar-jeclo ay soo dirayaan oo ka danbeeyaan siyaasiyiintoodu

Oo aanay talo ka go'in Oo saleebaan Gaal Iyo Ina kaahin Iyo Inaxaashi Ka danbeeyaan

Garxajis maxaa uga Dan ah dagaalkaas?


Maxaa ku kelifaaya dagaalkaas inay galaan?

Dhulbahante dhulkiisii ayuu haystaa ?


Xuquuqdiisii wuu helay?

Garxajis xuquuqdiisio ma haystaa?


 

Oo ma helay? Oo ma loo ogol yahay?

 

 

Habar-jeclo dagaal ayuu suldaankoodii ku dhawaaqay.

 

(Waayo?)


 

Habar-jeclo keligeed ma iska celin karaysaa huwanta ?

 

Habar awal jawaan hadhuudha oo ay keento

Mooyee ,


 

Rag ma keenaysaa dagaalka?

 

Waa maya.


 

Oo adiga ayay kuu kaydsanaysaa

Marka dagaalkaasu dhamaado,


 

In ay adiga kugu laysoOo kugu haysato.

 

Hadaba habaw awal dagaalka iyadu ha keento rag oo ha ku dhawaaqdo

 

Adiga maxaa ku kelifaaya?


 

Maxaa adiga (garxajis) ku wada. Ma manfac iyo Dan gaar ah baa juugu jirta?

 

Hadaba Waxaas oo dhan waxa loo samaynayaa oo dagaaladaas iyo


Shirqooladaas Iyo Xasaradaas loo sameynayaa

In Aan Doorasho La Qaban.

 

Oo Qori Isu Dhiibkii Socdo. Aynu Wax Iswaydiino


Oo Falaqeyno. WEFTI sacad muuse ah ayaa muqdisho tegaaya

(Qaarna way sii tageen) (qaarna way ka dabategeyaan)

Oo Samaale Iyo Maxamed cabdilaahi (wasiirkii hore ee arimaha dibedda ee Somaliland) hogaaminayaan.

 

Maxay ka wada hadlayaan?


 

Waa maxay qorshaha ay u tegeyaan? Iyo

Ujeedadoodu?

 

Waa inaynu wax fahanaa Oo doodo siyaasadeed oo mustaqbal iyo Arimaha inagu xeeran


(WAX ISKA WEYDIINAA)

 

DHALINYARO WAX ISWEYDIIYA OO TALO IYO FIKIR KEENA.

 

WAX dhacaaya uun ha suginaOo aad kadib ka hadashaan.


 

Idinku wax sameeya oo abaabula oo ka hor dega.

Ali Biixi.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...