narcissism= kaligii qumane/ Kaligii Fiicane. Kaligii is-cajabiye.

Sunday October 01, 2023 - 10:19:12
hadhwanaag
Waliga ma la kulantay shakhsi isla qabwayn oo iscajibay kaligii,



Hadi shaksigan hadii aad la kulantay waxa u qabaa xanuunka ku dhaca nafsada ee la yidhaahdo "narcissism" culuumta ku takhasuustay cilmi nafsiga "psychology" waxay ay sheegeen qofka la il-daranyahay Xanuunka narcissism. Waxana lagu gartaa siyabahan hoos ku xusan:-


1) Qofkan iskaga ayaa is cajibay muuq ahaan iyo maan ahaanba, waxa u isku qabaa in u kaa sareeyo kaana fiicanyahay.


2) Waxa uu jecelyahay in la amaano dadka kalena laga hore mariyo "compliment" guul aanu lahayna lagu amaano.


3) Hadii uu maqlo qofkale oo guul gaadhay waa u quudhsada. Oo uma qiro qofkale guushisa.


4) Waa shakhsi muranbadan, oo jecel in tiisu u meel marto. Cidkasto ka fikir duwan uma dulqaato oo daaha dabadiisa ayuu ka cayaa hadhaw.


5) Hadii aad la rafiiqdi ma fahmi karti dabeecadiisa oo Jinwas ayuu leeyahay. Isagoo faraxsana saacad ka hor ayaa aad arkaysa isagii oo cadhaysan saacad kadib" Swing Mood"


6) Waxa kale oo uu jecelyahay in u muraayada isku daawado had iyo jeer, oo murqiihisa ama jidhkiisa daawado.


7) Ma jecela in uu maqlo amaan ama guulo cidkale gaadhay, hadii u maqlana waa u ka naxaa.


Hadaba hadii shaksigan aad la kulantay ama aad aragti ogow in uu yahay ruuxjiran oo aan is ogayn. Iskana ilaali in aad la rafiiqdi ama saxiib dhow la noqoti.


Qoraalkan cid gaara oo aan ku durayo ma jirto. Waa aqoon guud aan jecelaystay in aan idinla wadaago.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...