Ugu yaraan 1,400 oo qof
ayaa gaajo ugu dhintay waqooyiga Tigray ee Itoobiya tan iyo markii la joojiyay
sababo la xiriira in cunnada gargaarka ah la xaday, sida uu sheegay sarkaal.
Hay’adda Qaramada
Midoobay u qaabilsan cunnada adduunka ee WFP iyo hay’adda hormuudka u ah
gargaarka Maraykanka ayaa joojisay cuntadii gargaar ee ay siin jirtay Tigray ku
dhawaad afar
bilood ka hor.
Baaritaan danbe oo ay
sameeyeen maamulka Tigreega ayaa lagu ogaaday in ku dhawaad 500
oo qof ay ku lug lahaayeen xatooyada raashinka, sida uu sarkaalku u sheegay
BBC-da.
Tigray waxaa 2020 ku
dhuftey iskahorimaad ba'an, kaas oo sababay xaalado macaluul ah oo kale ah.
BBC