Aragtidii Copernicus iyo wadaaddadii Kiniisadda

Saturday August 05, 2023 - 12:55:00
hadhwanaagtv
Copernicus buuggiisan ma uuna faafin intii



Raahibkii iyo cir-bixiyeenkii Masiixiga ahaa ee Nicolaus Copernicus (1473-1543), waxaa la gu tiriyaa in uu yahay qofkii koowaad ee soo bandhiga aragtida Xarunnimadda cadceedda (Heliocentrism – مركزية الشمس), taas oo sheegaysay in cadceeddu ay tahay xarunta kawnka, dhulka iyo meerayaasha kale oo dhanna ay iyada ku wareegayaan; xilligaana waxaa faafsanayd oo la aamminsanaa in dhulku uu yahay xarunta kawnka, xiddiga iyo meerayaasha kale oo dhanna ay isaga ku wareegayaan. Dabcan hadda cadceedda iyo xiitaa urur-xiddigeedkeennan la gu magacaabo Diillin-caanoodka (Milky-way - درب التبانة) midna ma aha xarunta kawnka, oo kawnka wax ay ka yihiin wax aan gaadhsiisanayn ciddi-caaradeed.


Copernicus aragtidiisan wax uu ku faahfaahiyay buuggiisa caanka ah ee uu ku magacaabay 'On the Revolutions of the Heavenly Spheres - حول دوران الأجرام السماوية', kaas oo uu ka ga hadlay in dhulku uu is ku wareego, dayaxuna uu ku wareego dhulka, sidoo kale meerayaasha kale oo dhanna ay cadceedda ku wareegaan.


Copernicus buuggiisan ma uuna faafin intii uu noolaa, cabsi uu ka qabo Kiniisadda aawadeed. Laakiin waxaa la soo bandhigay oo la faafiyay geeridiisii ka dib. Ka dibna wax ay buuq aad u badan ka dhex dhalisay bulshadii Masiixiyiinta ahayd, heer wadaaddadii Kiniisaddu ay ku sheegeen in ay tahay bidco, qofkii la ga maqlana la gu ciqaabi doono.


Aragtida Copernicus wax ay heshay rag aad u faafiya oo uu ka mid yahay Galileo Galilei (1564-1642), oo ahaa fiisigisyahan, cir-bixiyeen iyo faylasuuf Talyaani ah. Galileo wax uu ad u difaacay aragtida Copernicus isaga oo adeegsanaya hal-beegyo fiisigis, wax uuna ku dooday in aanay khilaafsanayn Bible-ka, ilaa markii dambe la gu sheegay in uu hurduuq – oo hadda Islaamka dhexdiisa u dhiganta ereyga 'sindiiq'— uu yahay. Dabadeedna waa la maxkamadeeyay, ka dibna waxaa la gu xukumay xabsi-guri. Waxaana loo diiday in uu ka niqaasho mawduucyadaas. Sidoo kale waxaa la mamnuucay in dhammaan qoraalladiisa iyo buugaagtiisa la baahiyo, ilaa uu ka geeriyooday.


Sidoo kale raggii qaatay ee difaacay aragtidaa Copernicus waxaa ka mid ahaa Giordano Bruno (1548-1600), oo isaguna ahaa faylasuuf iyo raahib Talyaani ah. Isagana waxaa la gu sheegay in uu yahay hurduuqi, ka dibna waxaa la gu xukumay toddoba sanno oo xadhig ah. Ugu dambaynna waxaa la gu xukumay in la gu khaarijiyo dab, ka dibna waa la gubay. Dembigiisuna wax uu ahaa in uu qaatay aragtidii Copernicus, iyo in uu yidhi waxaa la ga yaabaa in ay jiraan noolayaal caqli leh oo ku nool meerayaal kale.


Waxaas oo dhanna waxaa u sabab ahaa namuudajkii diineed ee Masiixiga ahaa oo aad u yaraa, aad na u na hooseeyay xilligaas, iyo Kahanuudkii Masiixiga ahaa ee is ku gaar yeelay ka-hadalka iyo fasiridda Bible-ka, sidoo kale cunaha qabtay saynisyahannada. Diinteenna toosan ee Islaamkuna – nasiib-wanaag – labadaasba waa ay ka nabad-gashay. Taasina waa ta sababtay in ay is la jaan-qaadaan sayniska cusub ee casriga ah waxyaabaha uu soo gudbiyo iyo Qur'aanka, sidoo kalana yaraysay, amaba meesha ka saartay loolanno u dhexeeya iyada iyo sayniska.


W/Q: Cabdikariim Sh Bashiir

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...