Siyaasi Soo Jeediyay Inaan La Dhayalsan Ciidan Urursiga Garxajis Ku Hawlanyahay

Wednesday July 26, 2023 - 09:45:30
Hadhwanaag
''Waar Hooya Belaayo Madax La Qabtay Leedahaye Mijo La Qabto Ma Leh''



 

Hargaysa (HWN) Siyaasi Cali Guray ayaa kadigay in la dhayal sado ciidan urursiga ay ku jirto Beesha Garxajis.

 

Cali ayaa intaasi ku daray in Maxamed Kaahin, Muuse Biixi iyo Gudoomiye Saleebaan ay ahaayeen rag usoo joogay xilalna hayay wakhtigii dagaalkii 1994kii, tan maantuna usaan-saan eegtahay dagaalkii 94kii, sida uu ku sheegay siyaasigu qoraalkan hoose oo uu baahiyay:-

 

‘’Waar Hooya Belaayo Madax La Qabtay Leedahaye Mijo La Qabto Ma Leh

Wixii kaleba waa saleelo hadii aynu ka badbaadno tii 1994kii oo la moodo in saansaankeedi muuqdo. Muuse iyo Saleebaan waa wasiiradii ugu tunka waynaa xiligaasi oo si fudud dalka dalka dagaal sokeeye uga qarxay muddo laba sanadood ahna uga socday.  Muse wuxu ahaa Wasiirkii Arimaha Gudaha ee ugu awoodda badnaa, halka Saleebaanna uu ahaa Wasiirka Maaliyadda. Maanta Muuse waa Madaxwayne Saleebaana waa Gudoomiyaha Guurtida. Waa labadii xil ee ugu sareeyay qaranka Somaliland.

 

Sool waynu og nahay oo lixdii bilood ee ugu dambeeyay dagaal baa ka socda. Anigu waan sheegay dagaal sokeeye oo dhexdeenna ah ayaan u arkaa. Waayo dee Sool waa Somaliland, Dhulbahante waa Somaliland. Magaalada lagu dhex dagaalamay ee Laascaanood waa Somaliland Khasaaraha dagaalka ee dhimasho iyo dhaawac, burbur iyo barokac lihina cidda uu soo gaadhay waa Somaliland. Hadana weli uma qudhqudhsana Muuse Biixi iyo xukuumadiisa. Ta hadda aynu og nahay ee ciidan urursiga ah ee ka socota gobolada kale ee dalkana hadii la fudaydsado maaha wax aan laga fakari karin in 29 sanadood ka dib tii 94kii mar kale Somaliland ku soo noqon karto. Nasiib darro Muuse iyo Saleebaan iyagu sidaa uma arkaan ee tooda ayaa u cad oo ay iska wataan.

 

Belaayo madax la qabto ayay leedahaye mijo la qabto ma leh ee bal aynu eegno talaabooyinka ka hortagga ah ee Muuse Biixi uu qaado si uu dalka uga badbaadiyo tu la mid ah 1994kii’’ ayuu Cali Guray ku yidhi qoraalkiisa.

 

Beesha Garxajis ayaa ku jirta todobaadyadii ugu dambeeyay ciidan urursi, balse wali xukuumada Somaliland kamay hadal hawsha ciidan urursiga.

     
Loading...