Hargaysa (HWN) Xoghaye
ku-xigeenka ganacsiga xisbiga WADDANI Cabdirashiid Saleebaan Maxamed ayaa
sheegay in Somaliland ay gashay marxalad hubanti la’aan siyaasadeed ah.
Xoghayaha ayaa intaasi
ku daray in dib udhaca badan ee ku yimid qabsoomida doorashooyinku ay gaabis ka
dhigtay horumarkii dalka, sida uu xoghayuhu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu
baahiyay:-
"Somalilad waxay gashay
xaalad hubanti la’aan siyaasadeed. Doorashooyinka muddo dhaafka noqdaa waxay
hagasiyaan horumarka dalka, is-aminaad daro bulsho iyo gaabis ku yimaada
danaynta iyo kaalmada horumarineed ee Beesha Caalamka.
Badeecadda kaliya ee ay
Somaliland adduunka ka iibisaa Waa doorashooyinka, sumcaddii 30 sano aynu ku lahayn adduunyada
maaha in loo baabiyo muddo kordhin aan
sharci ahayn cida maanta midida daabkeeda haysa ayaa ku Amaan iyo dhaliil mudan
doonta taariikhda ay ka tagaan Waana mid qaamuska u gali doona. Damac qof danta
dadka iyo dalka ayaa ka wayn.
Madaxwaynaha muddo
xileedkii sharciga ahaa ee aynu dooranay
uu ka dhammaaday waxaan xasuusin lahaa taladii shariifka ahayd ee uu hore u
qaatay madaxwayne Daahir Rayaale ee ahayd doorasho ayaan qabanayaa isaga oo
wasiirradii ka ag dhawaa ay ku dhiri galinayeen inuu kursiga si sharci daro ah
(extension) uu ku sii fadhiyo tiisii bay
noqotay doorasho ayuu kursigii galiyay Waa taariikh nool dadku wuu tagayaa
laakiin taariikh baa hadhaysa (history repeats itself) Somaliland halkaa waxay
kusoo gaadhay (dialogue and compromise).
Xukuumadda waxaynu
siinay fursad 5 sano ah wixii ay dadka iyo dalka galiyeen bay ahayd inay
imansadaan oo kursiga tartan galiyaan, waxaanse xasuusinayaa saaxibada tartanku naga dhexeeyo maaha wax
la,idinka amar qadanayo dalkana sida rabitaankiinu yahay uma haysan kartaan
waad tagaysaan aqbala isbadalka, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Ninba taagtii
togay kaa maal.
5 sano oo muran ku
jiqsii garnaqsi iyo canaan iyo xadhig ah waxaynu uga gudbi doonaa 5 sano oo
barwaaqo ah is ogol bulsho iyo horumar.” Ayuu yidhi xoghayuhu.