Dalka Ghana ayaa noqday
dalkii ugu horreeyey ee caalamka e ansixiya tallaal cusub oo looga hortagayo
Kaneecada -kaas oo la filayo in uu noqdo kan ugu waxtarka badan ee weligeed loo
soo saaro kaneecada.
Xeel dheerayaasha ayaa
oggolaansho siiyey ka dib markii ay baaris ku sameeyeen xogta ay ka heleen
jmamcadda Oxford ee ku taalla dalka Ingiriiska -xogtaas oo aan weli la
daabicin.
Cudurka Duumada ayaa
disha in ka badan 600 kun oo qof caalamka sanad kasta – kuwaas oo intooda badan
ay yihiin carruur ku nool afrikda saxaaraha ka hooseysa .
Cilmi baaris bilow ah
ayaa muujisay in tallaalka Oxforduu keeni doono in ka badan 74% difaac laga
galo kaneecada.
Adrian Hill oo ah
madaxa cilmiga tallaalk ee Jaamcadda Oxford ayaa sheegay in Ghana ay bedeleyso
qaabka dalalka Afrika ay u helaan tallaalka.
BBC