Xeer-nidaamiyayaasha
Midawga Yurub ayaa Arbacadii waxay malaayiin dollar ku ganaaxeen shirkadda iska
leh Facebook ee Meta, iyaga oo ku eedeeyey xadgudubyo la xidhiidha xogta gaarka
ah, iyaga oo ka mamnuucay in shirkaddu ay isticmaalayaasha ku nool 27-ka waddan
ee Midawga Yurub, inay ku khasabto inay aqbalaan xayaysiisyada shakhsiga ah ee
ku salaysan meelaha ay booqdaan, inta ay ku jiraan shabakadda.
Guddiga Ilaalinta Xogta
ee Ireland ayaa soo rogay laba ganaax oo wadartoodu dhan tahay 390 milyan oo
Yuuro ($414 milyan), taas oo ku salaysan go'aankooda laba arimood oo laga yaabo
inay ruxaan, qaabka ganacsiga ee shirkadda Meta ay isku waafajiso isticmaalayaasheeda
iyo xayaysiisyada ku salaysan waxa ay dadkaasi doonayaan, iyada oo ku
salaynaysa waxyaabaha ay dadkaasi xiiseeyaan inta ay internetka isticmaalayaan.
Shirkadda ayaa sheegtay
inay racfaan ka qaadanayso go'aankan.
Waxaa jira go'aan
saddexaad oo ka dhan ah adeegga fariimaha la isku dhaafsado ee Whatsapp ee ay
leedahay shirkadda Meta, kaas oo la filayo in lagu dhawaaqo dhammaadka bishan.
Shirkadda Meta iyo
shirkadaha kale ee dhinaca baraha bulshada ayaa cadaadisyo kala duwan kala
kulmay sharciyada gaarka ah ee Midawga Yurub, kuwaas oo ah qaar ka mid ah kuwa
ugu adag adduunka.
VOA