Shaqsiyadaadu Waa Noocma?

Tuesday December 27, 2022 - 11:57:07
Hadhwanaag
Qayta A (Type A personality)



▪︎Dadkan waa dad jecel nidaamka, kala danbaynta iyo in wax walba ay xaydaabkooda ku ekaadaan, ma ahan dad jecel tafatirida iyo faafaahinta arimaha cakiran waxay u wakiishaan cid ka saacida, way jihaysanyihiin oo si wax ku ool ah ayay xal uga gaadhaan arimahooda, waxay keenaan xalka oo dajiyaan hiigsiyo door ah.


▪︎Dabeecadaha shaqsiyada Qaybta A.

Waa dad masuuliyad isa saara waxayna ku jiraan loollan adag.

Dad dulqaad yar aadna u cag fudud.

Waa dad urursan.

Dad leh hal abuur ganacsi, shaqadana ku fiican.

Dad hammi leh, jecelna shaqada xorta ah.

Dad xamaasad leh balse xanaaq dhow.

Waxay dalbadaan xoriyad dhinac walba ah.

Dad isla sareeya aadna u madax adag.

Waa dad dhowr howlood isku qaban kara hal mar


▪︎Dhanka shaqada dadkani ma jecla xanibaadaha iyo in lagu dul agaasimo shaqada waxay jecel yihiin shaqo xor ah ama in shaqada ay hayaan loo madaxbaneeyo, mar walba waa dad jecel xornimada shaqsiyeed, dadkani waa kuwo isku kalsoon oo aan si fudud u niyad jabin.


▪︎iimaha ama waxa ay ku liitaani waa in ayna jeclayn howlaha joogtada ah (routine) ee taagan maalin walba, ma aha dad ku fiican ku shaqayta maalin walba howl lamida kuwii soo taxnaa.


▪︎Maxaa dhiirigaliya dadkan?

Lacagta, fursadaha, xorriyada, abaal marinta sare, loollanka (tartanka), waxyaaha deg dega ah, guusha iyo hogaaminta.

▪︎Shaqooyinka ay qaban karaan ee soo jiita.

Madaxweyne ama maamule kambani

qandaraasle guud

mulkiile ganacsi

iibiyaha ama maamulaha iibka

siyaasi, ganacsade

bilays ama sargaal milatari

iyo waaxda sharci fulinta.

Dabeecadaha shaqsiyadaan waa lagu kala duwamaan karaa balse sifooyinkan qaarkood waa kuwo guud.

_______________________________________________


Qaybta B (Type B personality)

▪︎Tusaalaha ugu wanaagsan ee dadka shaqsiyadan lihi waa:


Dad xamaasad leh oo jecel madadaalada, waa qof aragti kaa dhaadhicin kara, ku fiican saaxiibtinimada, soo jiidasho leh oo isku kalsoon, qof fikira oo riyooyin badan leh, qof feejignaan gaaban, dhiirigaliyeyaal, waa dad lama filaan ah oo sal fudud oo dibu dhiga howlohooda.


▪︎Dadka shaqsiyada B cabsida ugu wayn ay qabaani waa in lagu bahdilo meel fagaare ah maadaama ay taasi keeni karto in dad badani ka gaabsadaan, dadkani waxay dadaal galiyaan u muuqashada dad soo jiidasho leh waxay dambabasaan oo qariyaan dhamaanba iimohooda, sidoo kale waa dad aan qarin karin dareemohooda hadiiba ayna afka ka sheegin muuqoodaa laga dheehan karaa, iimaha dabiiciga ah ee qaybtani waa', samir la'aan, feejignaan gaaban iyo in ayna ebyin howlaha ay bilaabaan.


▪︎Maxaa dhiiri galiya dadkan?

Aqbalaada dadweynaha.

Abaal marinaha tabeelooyinka iyo shahaadooyink ah.

Sawir in ay la galaan dad caan ah.

Si gaar ah in ay u guulaystaan.

Dadku in ay hadal hayaan wanaagyadooda.

Hadalo in ay ka hor jeediyaan dadka.

In raali laga ahaado.


▪︎Shaqooyinka ay qaban karaan dadka shaqsiyadan leh

Xiriirka dadweynaha

iibiye, madadaaliye

waraysiga shaqaalaha

martigalinta, siyaasada

Sida Qaybta A oo kale Qaybta B na dabeecadan waalagu kala duwanaan karaa balse kuwani waa sifooyin guud.


Tixraaca maqaalkan waxaan ku lamaanayn doonnaa qormada danbe hadii eebe idmo.


WAA MIDEE SHAQSIYADAADU LABADAN?


Xigasho: Goof


     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...