SHEEKO QOSOL BADAN

Saturday December 17, 2022 - 12:36:41
hadhwanaagnews
Oo anagu ma ehelkiisa ayaanu naqaanaa?


Dameer ayaa ku hor bakhtiyay masaajid hortiisa
Markaasaa imaamkii u diray telephone gudoomiyihii dawladda hoose
Wuxuu ku yidhi:

Dameer ayaa ku hor bakhtiyay Masaajidka .
Waxa uu ugu jawaabay gudoomiyihii dawladda hoose :

waxaan ogaa in cidda dhimata masaajidka la geeyo
Kadibna xabaalaha la geeyo.

Oo lagu aaso.
Waxa uu imaamkii u sheegay in ay doonayaan in ehelkiisa la ogaysiiyo ayaa waajib ah oo lala socodsiiyo.
Gudoomiyihii dawladda hoose waxa uu yidhi;

Oo anagu ma ehelkiisa ayaanu naqaanaa?

Hadaba ma fahantay Demeerkaa Masaajidka ku hor bakhtiyay?


Cali maxamed biixi
[email protected]


     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...