Hargaysa (HWN) Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani
Khadar Xuseen Cabdi ayaa sheegay in gefefka siyaasiga aan laga dhigi karin dambi
wadareed.
Hadalkan xoghayaha ayaa yimid kadib markii uu xoghayuhu
dhawaan sheegay in aanay Gabilay noqon Garbahaaray isaga oo duraya Ex.
Madaxwayne Muuse Biixi.
Waxaana hadalkaasi ka jawaabay oo dhibsaday siyiin
ay isku xisbi yihiin oo ka soo jeeda deegaanka Gabilay.
"Sideedaba, gefafka siyaasiga ah iyo garasho xumada
hoggaanka lagama dhigi karo dembi wadareed dadka oo dhan iyo deegaan gaar ahi
la wadaagaan.
Aniga iyo Gebiley taariikh guun ah oo qiima leh baa
isku kaaya gunudda, xisbiga aan hoggaankiisa ka mid ahayna ma’aha KULMIYAHA
eeday kala irdhaynta dadkiisa.
WADDANI siyaasaddiisa waxaa gundhig u ah isku haynta
dalka iyo dadka.” Ayuu yidhi xoghayuhu