hadhwanaag
Hargaysa (HWN) Ciidamada Dabdemiska Hargeysa ayaa damiyay dab noociisu ahaa Shoodh Laydh oo ka
kacay Suuqa Gobanimo.
Ciidanka ayaa ka
hortagay dabkaasi inuu ku fido suuqa, waxaana ciidamadu shoodhkaa ku
xakameeyeen halkii uu ka bilaabmay iyagoo adeegsanaya qalabka ku haboon daminta
dabkaas.
Ma jirin khasaare
dabkaa ka dhashay, waxaa iyaguna hawlgalkaa ka qayb qaatay ciidanka Booliska.
Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa badbaadiyay hantidii taalay suuqaa
Gobanimo.
Bishii April ee
sanadkan ayay ahayd markii dab laxaad leh ka kacay suuqa Waaheen, waxaana weli
jirta khataro kale oo ku gadaaman suuqyadeena, hadaba ciidanka Dabdemisku wuxuu
bulshada iyo ganacsatada ku wacyigelinayaa in laga feejignaado khataraha uu
dabku keeni karo, waana in meherad kasta ay lahaataa haamaha yar yar ee lagu
damiyo dabka. Sidoo kale ku waano qaataan dabkii ka dhacay suuqa Waaheen.
Fadlan muwaadin hadii
aad la kulanto masiibo dab soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee ciidanka
Dabdemiska ee 990 shirkadaha Telesom iyo Somtel guud ahaan lixda gobol ee
Somaliland.