Xukuumada Somaliland Oo $3000 Ugu Deeqday C/naasir Macalin Caydiid Oo Hargaysa Ku Xanuunsanay

Wednesday October 12, 2022 - 11:06:43
hadhwanaag
"Cabdinaasir Macalin Caydiid oo todobaadkan la hadlay warbaahinta ayaa sheegay"



Hargaysa (HWN) Madaxtooyada Somaliland  oo la filayay in ay Dhakhtar Dibadeed u dirto Fannaan Cabdinaasir Macalin Caydiid oo ku xanuusanaya Magaalada Hargaysa   ayaa 3000 oo dollar oo keliya ku dartay kaalmada loo ururinayay sida guddidu shaacisay.

 

Cabdinaasir Macalin Caydiid oo todobaadkan la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu xaalad adag ku jiro, isla markaana uu bulshada uga baahanyahay qacan qabasho, inkasta  oo markii dambe uu walaalkii beeniyay hadalkaasi.

 

Gudi sheegtay inay u ururinayso dhaqaale lacageed ayaa sheegtay inay haatan u hayaan lacag dhan $ 9000, iyagoo sidoo kale usameeyay baasaabooro isaga iyo laba qof oo raacaya marka dhakhtarka dibadeed lagaynayo.

 

 

 

     
Loading...