Wasiirka Tamarta iyo Macdanta oo ka Qayb-galay Shirka todobaadka ee saliidda Africa

Thursday October 06, 2022 - 10:20:00
hadhwanaag
Agaasimaha Xidhiidhka Dad-weynaha iyo Saxaafadda ee Wasaarada Tamarta



Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Mudane. Cabdilaahi Faarax Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay shirka todobaadka saliidda Afrika.


 

Wasiirka iyo weftigiisa ayaa la saadaalinayaa inay maalgashi u soo helaan boloogyada kheyraadka shidaalka dalka, siduu sheegay Agaasimaha Saxaafada Wasaarada Tamarta Cabdifataax Mire Nuur.


Wasiirka Tamarta Cabdillahi iyo Agaasimaha Waaxda shidaalka ee Wasaarada . Axmed Iiman oo ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen Wasiiradaha Shidaalka ee Africa, ayaa la sheegay in lagaga hadlay sidii Africa maalgashi ugu heli lahayd khayraadkeeda shidaalka ka hor inta aan caalamku ka guurin Isticmaalka shidaalka.


Agaasimaha Xidhiidhka Dad-weynaha iyo Saxaafadda ee Wasaarada Tamarta Cabdifataax Mire Nuur oo shalay u waramay Telefishanka Horyaal ayaa sheegay in Wasaaradu warbixin faahfaahsan dhawaan ka sugeyso shirkadda sahaminta shidaalka ee Genel goobtii raadka shidaal laga helay Deegaanka Salaxlay, isla markaana loo raaci doono sida xeerarka dalku dhigayaan.


Agaasime Cabdifataax oo wax laga weydiiyey shirka Todobaadka Saliida ee wefdiga Wasiirka Tamartu hoggaaminayey ku tegay dalka Koonfur Afrika, ayaa ku jawaabay, "Wasiirka Tamarta. Cabdilaahi iyo Agaasimaha Waaxda Shidaalka Axmed waxay sannadkii saddexaad oo xidhiidh ah kaga geybgaleen dalka Koonfur Afrika Shirka todobaadka Saliidda, oo 32 Wasiirada shidaalka qaarada Afrika ka soo qeybgaleen.”


Wuxuu sheegay in shirka ay ka qeybgaleen shirkadaha maalgelinta ku sameeya kheyraadka shidaalka Afrika iyo shirkado calami ah, kulankuna laba ujeedo uu daaranaa, mid aynu Afrika ka mideysnayn iyo mid Somaliland u gaar ahayd.


Agaasimaha Saxaafada ee wasaaradda Tamarta oo sharaxaad ka bixinayey illaa shan qodobad oo shirka todobaadka Saliidda ee wefdiag Somaliland ka qeygaleen lagaga hadlayo ayaa sheegay inay ka mid yihiin sidii shidaalka Afrika maalgelin loogu heli lahaa, iyo sidii Madaxda wadamadda Afrika ay go’aan uga qaadan lahayd kheyraadka shidaalka ka hor intaan caalamku ka guurin isticmaalka shidaalka, maadaama weli kheyraadka shidaal ee Qaarada Afrika dihin yahay.


Mar uu ka jawaabayey hadafka gaarka ee Qaranka Somaliland oo Wasaarada Tamartu uga masuul tahay kheyraadka shidaalka ka faa’iidayso ka qeybgalka shirka ayuu Agaasime Cabdifataax ku jawaabay, "Qaranka Somaliland iyo Wasaarada Tamartu muddo badan waxay ku hawlanayd sahamin shidaal waxaana la hayaa macluumaadka boloogyada shidaalka dalka, waxaana dalkeena jooga shirkado maalgashedayaal hawlo sahamin wada oo Genel Energy, Ray Gas iyo GTS, oo goobjoog ka ahaa shirka Koonfur Afrika, markaa wefdiga Somaliland waxay shirkadaha maalgashi u bandhigayeen fursadaha boloogyada shidaalka dalkeena ee aan weli la maalgashan.”


Agaasime Cabdifataax ayaa sheegay in dhawaan Golaha Wakiiladu ansixiyeen xeerka soo saarista shidaalka, waxa kaloo golaha horyaalla xeer qeybsiga dadka deegaanka, xukuumadda iyo shirkadaha sahaminta kheyraadka marka la soo saaro

     
Loading...