Sheekaba sheeko ayay
keentaaye , sanadkii 2002 ayaa Ahmed siilaanyo furtay ururkii kulmiye,dabeeto
siyaasiyiin badan oo muuse biixi ka mid yahay ayaa ku biirtay.
Isla sanadkaas 2002
waxaa siyaasadda soo galay cumar carte qaalib oo gudoomiye u noqday ururkii
hormood, sidoo kale xisbigga udub waxaa gudoomiye ku xigeen ka ah axmed yuusuf yaasiin dabcan madaxwayne
ku xigeena ah, sheekh ibraahin waa gudoomiyaha guurtidda.
Doorashaddii 2002 muuse
biixi wuxuu si adag ula shaqeeyay siilaanyo, waxaanu kaalinta labaad ka galay
degmadda Hargaysa iyo gobolka maroodi jeex, ururkii hormood iyo cumar cartena
sidaasay ku dhaceen.
Mar kale doorashadii
2003 muuse wuxuu sutidda u qabtay xisbigii udub oo madaxwayne ku xigeenkiisu
yahey sheekh Axmed, ismaaciil yarena wasiiru daakhili, kulmiye cod xooga buu
heley.
Ugu danbayn doorashadii
2005 iyo 2010 muuse wuxuu muquuniyay siyaasiyiintii beeshiisa ee udub oo
madaxwayne ku xigeenkii wadanku hogaaminayo.
Sidaas oo ay tahey
muuse gudoomiye ha kulmiye muu ahayn laakiin marna siyaasi cadaysimo ah buu
ahaa marna gudoomiye ku xigeen xisbi.
Si kastaba ha ahaatee
xirsi maanta waxaa laggu xifaalaynayaa, waxaa lagga rabaa
1 in uu maxamed kaahin
u muquuniyo sidii muuse u muquuniyay axmed yuusuf yaasiin , ismaaciil yarre iyo
cabdilaahi cirro.
2 in uu gaashaanka u daruuro ururka kaah iyo maxamuud xaashi
sidii muuse gaashaanka ugu daruuray cumar carte Iyo ururkii hormood.
3 ugu danbayn waxaa lagga
rabaa in uu cirro ula soo baxo sidii muuse siilaanyo ula soo baxay ilayn flight
bay wada saaran yihiine .
W/Q: Ahmed Nour Guruje
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!