Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka looga hadlayo Arrimaha Shidaalka Afrika

Tuesday October 04, 2022 - 10:39:45
hadhwanaag
Soomaaliya waxaa shirka uga qeyb galaya wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Macdanta



Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika waxaa ka socda shir heer caalami ah oo looga arrinsanayay arrimaha shidaalka Africa, waxaana ka qeyb galaya wafdi ka socda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.


Shirka oo Maalintii labaad galay ayaa madaxda ka qeyb galeysa waxaa ay dood adag ka yeesheen sidii looga faa’iideysan karo kheyraadka wadamada Afrika iyo isdhaafsiga dhinacyada ee fikrado kala duwan.


 

Soomaaliya waxaa shirka uga qeyb galaya wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Macdanta iyo batroolka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed uuna kamid yahay agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka iyo macdanta Soomaaliya Maxamed Xaanshi, iyaga oo shirka kusoo bandhigaya ka faa’iideysiga kheyradka dalka.


Wasiirka Macdanta iyo batroolka Soomaaliya Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa faah faahin ka bixiyay qodobada ugu muhimsan ee looga hadlayo Shirka caalami ah ee arrimaha shidaalka Afrika.


Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Macdanta iyo batroolka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed uuna kamid yahay agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka iyo macdanta Soomaaliya Maxamed Xaanshi ayaa kulamo doceedyo kala duwan la qaadan doona madaxda ka qeyb galeysa Shirka, iyaga oo kala hadli doona sida Soomaaliya u dooneyso in looga faa’iideysto kheyraadka kujira dalkeeda.

     
Loading...