Afhayeenka Garabka
Dhalinyarada Heer Qaran Xisbiga WADDANI.
Goob Kasta iyo Goor
Kasta Dareenkayaga iyo Dubaaqayaguba Wuxuu Lajiraa...
1. Qoys kasta oo kuwii
ay jeclaayeen ku waayay dilkii arxan-darada ahaa ee Shuhadadii 11-Aug.
2. Qof kasta oo dhaawac
kasoo gaadhay, Dibad-Baxyada Salmiga ah ee lagu dalbanayo dhowrista shuruucda
iyo distoorka dalka, iyo hirgalinta hannaanka demoqoraadiga ah.
3. Qof kasta oo
xorriyaddiisa u waayay afkaartiisa isbeddel doonka ah, horreyso iyo
dambeysoba.(Political prisoners)
4. Qof kasta oo
cadaadis kaga yimi dowladda, aminigiisa
iyo xorriyaddiisa awgeed uga haajiray qarankiisa. (Political repression)
5. Qof kasta oo si toos
ah u cabiri karin Ra'yigiisa iyo dookhiisa siyaasadeed, isla markaana
ilaashanaya masaalix u muhiim ah noloshiisa, balse si dadban ugu xidhan
Axsaabta Mucaaridka (Informally affiliated policy process)
6. Qof kasta oo jecel
inuu ka qeybqaato Isbeddelka socda balse duruufo, mashquul, masaafo jirta
awgeed u noqon karin Jilaa Siyaasadeed (Political Activist)
Waxaad tihiin xaq u
dirir dhab ah, waxaan idiin qiraynaa geesinimo, inta dhimatay ilahay
naxariistii jano haka waraabiyo inta dhaawaca ahna ilahay ha u dhibyareeyo,
inta xidhanna xuquuqdoodi iyo xorriyaddii waa inay degdeg u helaan.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!