Siyaasiyiin Ka Soo Jeedda Beesha Madaxweyne Biixi Oo Isku-haysta Jagadda Guddoomiyaha 1-aad Ee Xisbiga KULMIYE

Sunday December 05, 2021 - 20:51:43
Siyaasiyiin Ka Soo Jeedda Beesha Madaxweyne Biixi Oo Isku-haysta Jagadda Guddoomiyaha 1-aad Ee Xisbiga KULMIYE



Hargeisa(HWN):-Tan iyo markii ay soo baxday in Madaxweyne Biixi uu bannaynayo jagada Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE. Isla markaana uu Wasiir Maxamed Kaahin shaaciyey inuu isugu u tartamayo kursiga Guddoomiyaha KULMIYE, kaas oo isku arka inuu xaq u leeyahay marka xeerka Xisbiga iyo kii xuluufadii burburtay ee jeegaanta la eego, ayaa waxa xilli hore sii bilaabmay loollanka loogu jiro hannashada kursiga Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee KULMIYE ee uu sheegay inuu ka ruqaansanayo Mujaahid Kaahi.

Kursiga Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee KULMIYE ayaa u muuqda mid ay ku hirdamayaan siyaasiyiinta ka soo jeeda Beesha Madaxweyne Biixi,kuwaas oo isku arka inay xaq u leeyihiin jagadaas ka beel ahaan inay hantaan,maddaama la filayo in Madaxweyne Biixi uu bannaynayo kursiga Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE,isla markaana uu jagadaas Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo qori isku dhiib ah uu qabanayo doorkan siyaasi ka soo jeeda Beesha Barriga Burco sida lagu wadda haddii aan xaaladdu is beddelin.


Haddaba waxa isa soo tarraya mar-ba marka ka dambaysa,isla markaana cirka isku sii sharreeraya loollanka u dhaxeeya siyaasiyiinta ka soo jeeda Beesha Madaxweyne Biixi,kuwaas oo kale riixanaya dumaasha kursiga uu hadda fadhiyo Maxamed Kaahin Axmed ee Guddomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE,iyadoo uu mid waliba gaarkiisa uu ugu ordayo sidii uu ku hannan lahaa jagadaas,waxaana la sheegay inay maal-mihii u dambeeyey ay shirar doceed-yo iska soo horjeeda ku qabanayeen Huteeladda Magaalada Hargeys.

Geesta kalena siyaasiyiintan ayaa waxa kamid ah ,isla markaana ugu fadal cad siyaasi Cabdicasiis Samaale,kaas oo la sheegay in uu hadda hanqalka la soo kacay,kaddib markii uu xaqiiqsaday inuu Maxamed Kaahin ka ruqaansanayo kursigaas,waxaanu waddaa dedaalo kale duwan oo uu ku doonnayo inuu ku gaadho damaciisa ah in uu noqdo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee KULMIYE ,wallow la sheegay in Madaxweyne Biixi ay hore ballan iyo heshiis hoose u galleen,kaas oo la xidhiidhay in siyaasigan sallaanka ugu sareeya KULMIYE in la saaro isna markiisa,haseyeeshee haddana lama sadaalin karro go’aanka uu Madaxweyne Biixi ka qaadan doonno arrintan iyo haddii uu jiray heshiiskaas sida uu uga dhabbayn doonno.

Waxa kale oo la sheegay in xubnnaha kale ee beesha Madaxweyne ka soo jeeda ee tartanka ugu jira iyana sidii ay ku hannan lahayeen jagadda Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee KULMIYE inuu kamid yahay duqii hore ee Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco iyo xubno kale oo joog hoose ku duullaya iyo weliba siyaasi Maxamed ilkacase,kaas oo isagu shaaciyey inuu u tartamayo jagadaas.

Siyaasi Ikacase ayaa 27-kii bishii November 2021 sheegay inuu jagaddaas Guddoomiye ku-xigeena 1aad uu u sharraxan yahay,isla markaana uu beeshiisa la soo tashaday,waxaanu xusay inuu yahay shaqsi ku haboon inuu qabto jagadaas”Waxaan shaacinayaan hankayga aan mudda’da hoos ka soo wadday oo ah in aan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE u ahay Musharrax.”

Geesta kalene xubno kamid ah madax-dhaqameedka Beesha Madaxweyne Biixi oo la hadlay war-baahinta,ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta Beesha in kursiga Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE ay ka tannaasuleen,waxaanay ku talliyeen in kursigaa lagu dhiso oo lagu maamuuso Beesha Arab gaar ahaana siyaasi Buraale "”Subeer Awal Sannadkan Candhuftooda Haliqaan Hanna Doortaan Guddooomiye Buraale iyo Beesha Arab”madhax-dhaqameedka Beesha Biixi

Si Kastaba ha-ahaatee Siyaasiyiinta Beesha Madaxweyne Biixi uu ka soo jeeda ayaa si weyn ugu sii loollamaya kursiga Guddoomiya ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE xilli aan weli la shaacin wakhtiga uu qabsoomayo shirkii Golaha Dhexe ee KUMIYE,isla markaana aanu jagadaas weli bannayn Maxamed Kaahin,haseyeeshee xubnaha ayaa u muuqda inay xilli hore sii bilaabeen u beretanka kursigaas.

     
Loading...