Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Tartanka Kubada Cagta Ee Degmooyinka Hargaysa Oo La Soo Afmeeray

Saturday December 04, 2021 - 09:18:58
Hadhwanaagtv
"Ciyaaruhu waxa ay muhiimad weyn u leeyihiin is-dhexgalka dhalinyarada"

Hargaysa (HWN) Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay tartanka kubada cagta oo ay ku tartamayeen Degmooyinka caasimada Hargaysa oo shalay ku soo gaba gaboobay Hargaysa.

 

Waxaanu madaxwayne Muuse Biixi bogaadiyay labadii kooxood ee iskugu soo hadhay finalka, Muuse Biixi ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay oo uqornaa sidan:-

 

WaxaaWaxa aan hambalyeynayaa Kooxda Kubadda Cagta Degmada Maxamed Mooge oo ku guulaysatay Horyaalka Degmooyinka Caasimadda Hargeysa. Sidoo kale waxaan bogaadinayaa Kooxda Degmada Axmed Dhagax oo kaalinta labaad ka gashay horyaalka iyo dhamaan kooxihii degmooyinka kala duwan ee caasimadda ee tartankan ka qayb galay.


Ciyaaruhu waxa ay muhiimad weyn u leeyihiin is-dhexgalka dhalinyarada iyo la dagaalanka mukhaadaraadka, waxaana farxad ii ah in aynu horumar la taaban karo ka samaynay qaybaha kala duwan ee ciyaaraha iyo isdhexgalka dhalinyarada.

Hambalyo.

     
Loading...