Xisbiga Waddani Oo Sheegay Qodobo Ay Beesha Caalamka Kala Hadleen

Friday December 03, 2021 - 07:53:13
Hadhwanaagtv
"Arinta labaad ee aanu u tagnay waxay ahayd xoojinta fariinta ay Komishanku hore u gaadhsiiyeen"

Hargeysa (HWN) – Xoghayaha guud ee Xisbiga mucaaradka ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa ka hadlay ujeedada safar ay ku tageen dalka Kenya, waxaanu sheegay inay Beesha Caalamka kula soo kulmeen, gaar ahaan Waddamada daneeya Doorashooyinka Somaliland, waxaanu xusay inay ka soo wada hadleen arrimo khuseeya Doorashooyinka iyo abaaraha dalka ka jira.

 

Xoghayaha guud ee Xisbiga mucaaradka ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi, oo arrimahan ka hadlay wuxuu yidhi "Waxaa socda Doorashooyinkii 2021 oo Komishanka Doorashooyinku diyaariyeen, hawlihii iyaga xagooda ku xidhnaa, haddii ay tahay wakhtigii Doorashada iyo kharashkii Doorashada ku baxaayey, anagoo taa ka duulayna sidii arintaa loo xoojin lahaa , ayaanu u baxnay safar magalaada Nairobi, oo aanu ku tagnay Wadanka Kenya, waxaanu kula kulanay badi Beesha Caalamka, ee daneeya arrimaha Doorashooyinka Somaliland, waxaanu run ahaantii kala hadlaynay laba arimood oo ta kowaad tahay inay inaga taageeraan abaaraha oo meelo badan oo wadankeena ah ku dhuftay, taas oo ah laba oo ka kowaad tahay dadka ay saamaysay abaartu ee dhibaatadu ku hayso sidii gargaar loo gaadhsiin lahaa iyo ta kale oo ah sidii wakhtiga fog looga gaashaman lahayn, is bedelka cimilada, oo runtii la leeyahay Geeska Afrika saamayn weyn ayey ku yeelan doontaa, oo marar waxaa dhici doona daadad iyo roobab fara badan, mararna waxaa dhici doona abaaro soo noqnoqda, markaas ka gaashamashada qaran ahaan iyo umad ahaanba aanu uga diyaar-garoobi lahayn isla markaasna aynu Beesha Caalamka u waydiisan lahayn farsamo ahaan iyo aqoon ahaanba iyo dhaqaale ahaanba naga taageeraan”.

 

Mar uu ka hadlaaye qodobka kale ee ay u tageen Kenya wuxuu yidhi "Arinta labaad ee aanu u tagnay waxay ahayd xoojinta fariinta ay Komishanku hore u gaadhsiiyeen Beesha Caalamka, ee ah madaama aynu xilligan oo Covid 19 uu dhaqaalaheenii samayn badan ku yeeshay isla markaasna ay abaaro jiraan dawlad ahaan iyo umad ahaanba aanu awoodi karin kharashka ku baxaya Doorashooyinkeena ku baxayaa,inay kharashkaasi inaga taageeraan Beesha Caalamku”.

 

Mar uu ka hadlaayey Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigiisa wuxuu yidhi "Run ahaantii waxaanu aad iyo aad ugu kalsoon nahay musharaxa aanu wadno oo dhab ahaantii ah nin lagu yaqaano inuu yahay hayin, go’aan leh, dulqaad leh, caana ku ah balamaha uu galo ka bixin, Shacabka Somaliland balanta uu la galo aanu ka bixi doonin..”

     
Loading...