Xirsi Oo Ka Hadlay Natiijada Kulamo Ay Mucaaradku La Qaateen Wadamada Somaliland Ka Caawiya Doorashooyinka

Saturday November 27, 2021 - 13:19:59
Hadhwanaagtv
"Danta Somaliland ayaa inoo ballan ah,"

Hargaysa (HWN) Weftiga xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa soo gabagabeeyay wada hadallo ay magaalada Nairobi kula lahaayeen waddamada Somaliland ka taageera doorashooyinka iyo dhanka horumarka.


Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa qoraal uu kulamada kaga hadlay ku sheegay in ay is fahan iyo guul ku dhammaadeen kulamo is daba-joog ahaa oo ah maalmihii u dambeeyay la yeesheen Beesha Caalamka ee danaysa doorashooyinka iyo Horumarka Somaliland.


"Waxaanu soo gebogebaynnay maalintii saddexaad ee kulamadii Xisbiyada mucaaradku ay lalahaayeen waddamada Somaliland saaxiibbada la ah ama ka caawiya Doorashooyinka iyo mucaawinooyinka kala duwan ee xagga horumarka iyo bini-aadamnimada.


Waxaannu maanta kulamo la qaadannay Safaaradaha Norway, Germany iyo Maraykanka ee Nairobi. Dhammaan kulamadaasi waxay noogu dhammaadeen guul.


Danta Somaliland ayaa inoo ballan ah,” ayuu yidhi guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan

     
Loading...