Hargaysa (HWN) Xog-hayaha
guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Hussein Abdi ayaa sheegay in dadka Somaliland
haraad uqabaan isbadel siyaasadeed, xoghaye khaddar ayaa intaasi ku daray in
xisbiga Waddani yahay xisbiga keliya ee ka shaqayn kara isku haynta dalka iyo dadka "Shacabka Somaliland ee
sharafta badani waxa ay haraad weyn u qabaan isbedel siyaasiya oo dalka ka
dhaca, waxa ay si weyn u sugayaan doorashada Madaxtooyadda oo ay rabaan in ay
fartooda ku ciil baxaan, kuna doortaan hoggaamiyihii ka shaqeyn laha "Isku
haynta dalka iyo dadka".
waxa aynu darsi ka qaadan karna doorashadi dhawaan dhacday siday Shacabku uga dareen celiyeen doonistooda iyo dadkay doorteen. Xisbiga WADDANI waa Xisbiga Rejada Shacabka waxa uu noqon doona mid rumeeya Rejada Shacabka, Umaddiisana ugu adeega cadddaalad, sinnaan, horumar, wax wada qabsi, wallaalnimo iyo wada-jir Idamka Alle." Xog-hayaha guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Hussein Abdi