Waa kuma Mustafe Muxumed Cumar? Madaxweynaha shan sano sii hoggaamin doono Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya

Tuesday October 19, 2021 - 08:05:56
Hadhwanaagtv
"Wuxuu aad uga soo horjeeday maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar"

Madaxweynaha Dolwad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar ayaa shalay mar kale loo dhaariyay xilka madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaaliya ee Itoobiya, si uu shanta sano ee soo socta u hoggaamiyo deegaanka.


Waxaa doortay Golaha Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee cusub ee dhawaan la soo doortay oo kallfadhigoodii lixaad si buuxda ugu ansixiyeen.


Mustafe Cumar ayaa horey u ahaa ku simaha madaxweynaha deegaanka Soomaalida kadib markii sannadkii 2018 la xiray madaxweynihii hore Cabdi Muxumed Cumar, isla markaana xilkii sidaa looga qaaday, taas oo sabab ay u ahayd qalalaase ka dhacay Jigjiga.


Waxaa xilka madaxweyne ku xigeenkana mar kale loo caleemo saaray Ibraahim Cismaan. sidoo kale waxaa guddoomiyaha baarlamaanka loo doortay Ayaan Cabdi Waamo.


Waa kuma Mustafe Cumar?

Mustafe Muxumed Cumar wuxuu sannadkii 1972 ku dhashay magaalada Awaare ee aagga Jarar ee gobolka Soomaalida Itoobiya.


Waxbarashadiisa dugsiga hoose wuxuu ku qaatay dugsiga Awaare, wuxuuna ku sii dhamaystirtay Dhagaxbuur oo reerkooda uu u guuray, halkaas oo sidoo kalena uu dugsiga sare ka galay.


Waxbarashadiisa jaamacadda wuxuu ka qaatay Jaamacadda Addis Ababa, gaar ahaan Shahaadada koobaad ee kulliyadda Dhaqaalaha.


Shahaadada Labaad ee jaamacadda (masters) ee isla dhaqaalaha wuxuu ka qaatay Imperial College of London ee dalka Britain.


Wuxuu Agaasime ka soo noqday Machadka Tababarka Macallimiinta ee Jigjiga oo hadda loo yaqaanno Kulleejka Tababarka Macallimiinta ee Cabdulmajiid.


Wuxuu sidoo kale soo noqday wasiir ku xigeenka waxbarashada ee gobolka Soomaalida.

Wuxuu ka soo shaqeeyey hay'ado kala duwan oo ay ka mid yihiin Save the Children, WFP, OCHA, iyo qaar kale.

Wuxuu waayo aragnimo u leeyahay hawlaha bani'aadminimo ee Qaramada Midoobay.


Waxaa loo beddelay dalka Zimbabwe 2006 illaa 2007, ka dib markii loogu hanjabay in la dilayo, markaas oo uu gacan ka gaystay in la kashifo xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo TPLF ay ka gaysteen gobolka Soomaalida ee Itoobiya.


Intii aanan loo magacaabin xilka madaxtinimada, sannadkii 2018, wuxuu ka shaqaynayey hawlgalka bani'aadminimada Qaramada Midoobay, wuxuuna ahaan sarkaal sare oo qaabilsan xiriirinta hawlaha bani'aadminimada ee Soomaaliya.


Mustafe Muxumad Cumar waa shakhsi u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, waana nin aad wax u qora.

Wuxuu aad uga soo horjeeday maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar.

Oktoobar 2016 waxaa sida la sheegayo u hanjabay maamulkii gobolka ka talinayey.


Wararka waxay sheegayaan in markii uu u hogaansami waayey digniintaas in ciidanka Liyuu Boolisku qabteen ay magaalada Dhagaxbuur ka kaxaysteen aabihiis oo 70 jir ahaa, iyo walaalkiis ka yaraa, Faysal Cumar.


Dad xog ogaal ah waxay sheegeen in Faysal la dilay oo laga tuuray gaari xawli ku socday, ayadoo ka dibna la sheegay in uu isagu is dilay ayadoo uu aabihii goobjoog ahaa.

 

BBC

     
Loading...