*Xikmado iyo dhiiragalin xul ah*

Saturday July 17, 2021 - 11:28:10
hadhawanaagnews
Ha isku mashquulin hana ka fekirin gefkii shalayto, waayo berri waa fursad kale oo aad ku sixi kartid intii shalay qabyada kaa ahayd;.

Qorrax-dhaca halkan waxay Qorrax soo bax u tahay dhinac kale oo Aduunka ka mid ah. Ha quusan sababtoo ah wax u muuqda dhamaad ayaa xaqiiqdii ah bilow cusub;.
????
Caruurta quluubtoodu waa nadiif laakiin dharkooda ayaa wasakh ah, dadka waaweyna dharkooda ayaa nadiif ah, laakiin qalbiyadoodu waa wasakh, kuwo Allah (sw) badbaadiyay mooye;.
????
Awood uma lihid inaad bedesho muuqaalkaaga si aad u noqoto kan dadka ugu quruxda badan, laakiin waxaad awood u leedahay inaad bedesho dhaqankaaga si aad u noqoto kan dadka ugu akhlaaqda wanaagsan;.
????
Ha isku mashquulin hana ka fekirin gefkii shalayto, waayo berri waa fursad kale oo aad ku sixi kartid intii shalay qabyada kaa ahayd;.
????
Ha ku dadaalin inaad dhisato guri weyn oo aad ku noolaato, laakiin ku dadaal inaad dhisato guri aad ku noolaato oo xasiloon oo ay ka dhex iftiimayso akhlaaq wanaagsan iyo Allah ka cabsi;.
????
Tartanka u dhaxeeya Libaax & Deero, marar badan waxaa guuleystay Deerada sababtoo ah Libaaxa wuxuu u ordayay oo keliya cunto, Deeraduna waxay u ordeysay Nolol. Xusuuso: Ujeedo (hadaf) ayaa aad uga muhiimsan Baahida. Ha noqon qof cunto keliya u orda;.
????
Ha ku raacin muuqaal, way ku qaldi karaan. Ha ku raacin dhaqaale, wuu dhamaan karaa. Dooro qof farxad kuu keeni kara sababtoo ah dhoolacadeyn keliya ayaa maalin mugdi ah ka dhigi karta iftiin;.
~Hadaa ka heshay Saaxibadaada Garsii~



✍️???????? Ukhtie Phaizah ????????
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...