Waxaynu wada ogsoonahay qiimaha weyn ee biyuhu u leeyihiin nolosheena
guud ahaan, wa hubaal inaynan ka maarmi karin biyaha dhamaan
dhinacayada nolsheena.
Biyaha weynu cabnaa, weynu ku maydhanaa, weyn ku waraabinaa beeraha
iyo nimcoolayda kale ee ilahay ina siiyay, xataa dhamaan gaadidka
samayska ah noocyadiisa kala duwan weyn ognahay inayn shaqayn karayn
biyo la, aan.
Intaas oo dhan iyadoo ay jirto haddana waxaynu maqaalkan ku eegi doona
faa'iida ku jirta cabida biyaha xili hore oo subaxii ah iyadoo caloosha
madhantahay
Cabidda biyaha waqti hore ko subixii ah waxay leeyihiin faiidooyin
caafimaad oo badan , dhamaan Organs-ka jidhku waxey u baahan yihiin biyo
si ay u qabt aan shaqooyinkooda maalin lahaa si sax ah.
Qaar ka mid ah faiidooyinka laga helo cabidda biyaha waqtiga hore ee subixii ah.
1. waxay nadiifinayaan Mindhiciraha (intestines), kadib jidhka waxa uu awood u yeelanayaa in si fudud saxarada iskaga saaro.
2. jidhka ayeey kasaaraan sunta (Toxins).
3. markaad cabtid biyaha subaxa hore waxaad waqti hore dareemeysaa gaajo waxaanad awood u yeelanaysa inaad quraacatid.
4. biyaha waxey kordhinayaan dhiiga (Blood), haddii uu dhiiga kugu yaryahay cab biyo badan subaxa hore.
5. waxey ka hortagaan madax xanuunka (Headache)
6. Waxay fududeyaan biyahu dheefshiidku si fudud u burburiyo cuntada.
7. Waxay yareyaan culeyska jidhka (Weight loss)
8. waxay qurux iyo dhaldhalaal ka dhigaan maqaar-ka.
9. Waxay kordhiyaan tamarta (Energy).
10. Cabidda biyaha subax hore iyadoo calooshu madhantahay waxay
xoojiyaan difaaca jidhka (immune system), biyahu aad ayeey muhiim ugu
yihiin jidhka waxayna ka qeyb qaataan isu dheeli tirka Fluids-ka
jidhkeena ku jira.
Best regards
Mustafe Abdilahi Hussein
ministery of Development Health.
Public Health Department
B.Sc. of Microbiology
International University of Africa ( IUA)Khartoum_Sudan
contacts
[email protected]
[email protected]
+252634476257
+252654476257