Muuse Biixi Oo Masuuliyiin Habarjeclo Ah Amar Ku Siiyey Inay U Jawaabaan Maxamuud Xaashi Iyo Weedhaha Ka Soo Baxay

Wednesday September 09, 2020 - 15:41:56
Muuse Biixi Oo Masuuliyiin Habarjeclo Ah Amar Ku Siiyey Inay U Jawaabaan Maxamuud Xaashi Iyo Weedhaha Ka Soo Baxay


Hargeysa(HWN):-Muuse Biixi ayaa amar ku siiyey masuuliyiin ka tirsan xukuumadiisa inay u jawaabaan Maxamuud Xaashi oo ka horyimid afduubka ku socda xisbigii Kulmiye.

Image may contain: 1 person

Wasiirka qorshaynta iyo gudoomiyaha hay’adda barakacayaasha oo ka soo jeeda beesha Habarjeclo ayuu Muuse Biixi amray inay ka jawaabaan eedaymaha uu kala kulmay Maxamuud Xaashi.


Wasiir Xasan Gaafaadhi oo ku soo biiray igmanayaasha Muuse Biixi u adeegaya isla markaana ah Afhayeenka xisbiga Kulmiye ayaa ka jawaabay hadalkii ka soo yeedhay Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, ee uu ku dhaliilay shirweynaha Xisbiga Kulmiye iyo Muuse Biixi.


Xasan Gaafaadhi oo warbaahinta u warramayey, ayaa sheegay in aanay jirin meel lagu gaadhay heshiis lagu wareejinayo guddoomiyenimada Kulmiye, isaga oo ka dhawaajiyey in Maxamuud Xaashi yahay Hayaan ka sii socda Kulmiye, waxaanu yidhi "Maxamuud xubin golaha dhexe ka baxdey ayuu booskiisi buuxiyey Marxuum Axmed Aadan Cali Goodir AHU madaxweynaha ayaa amrey in Maxamuud lagu buuxiyo booskas rag badanbaana joogey isma lihi abaalka Madaxweynuhu u galey mid ka weyn"

Image may contain: 1 person

Sidoo kale Xinifkii dhagaha fududaa ka hal celiyey eedihii siyaasi Maxamuud Xaashi Ayaa Yidhi "Waxay iila muuqataa uun in walaalkay Maxamuud Xaashi Baqdin uu baqday uun uu tartanka ku soo dhici waayaye aanay wax kale oo cillad ahi jirin."


Xinif oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Meel lagu heshiiyey murrashaxow markaad madaxweyne noqoto xisbiga hebel ku wareeji may jirin, xeerka xisbiga iyo xeerka waddankana way khilaafsan tahay, jagada bannaanaata ee xisbiga dhexdiisana ee aan magacaabis ku imanna in lagu tartamayo ayuu xeerkayagu qorayaa"


     
Loading...