Safiirka Turkiga Ee Soomaaliya Oo Ka Hadlay Qorsheyaal La Xidhiidha Ciidamada Xamar

Wednesday August 05, 2020 - 19:35:43
Safiirka Turkiga Ee Soomaaliya Oo Ka Hadlay Qorsheyaal La Xidhiidha Ciidamada Xamar


Muqdisho(HWN):-Safiirka dowladda Turkiga ee Sooomaaliya Mehmet Yilmaz oo wareysi siiyey wakaaladda wararka Anadolu Agency, ayaa markii ugu horeysay ka hadalay warar sheegayey in ciidamo Soomaali ah la geynayo dalka Libya, si ay uga barbar dagaalamaan dowladda taagta daran ee Libya oo dagaal adag kula jirta maleeshiyaadka uu hoggaamiyo Jeneraal Khaliifa Haftar.

mehmet-yilmaz - Turkish Minute

Danjire Yilmaz ayaa sheegay in wararkaas ay faafinayaan dalal cadow ku ah dowladiisa Turkiga, waxuuna ku tilmaamay been abuur.


"Baraha bulshada Soomaaliya waa kuwa aad u xooggan. Waxaan ka aragnaa dadaallo ay dalalka qaar wadaan oo ay dantooda ku fulinayaan. Waxaan u aragnaa arrintan olole qorsheysan. Wararka ma ahan kuwa run ah, waxba kama jiraan,” ayuu yiri Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz.


Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa horay u beenisay in ciidamo Soomaaliyeed la geynayo Libya, si ay uga barbar dagaalamaan garab kamid ah dhinacyada isku haya dalka Libya.


"Ma jiraan ciidan aan udireyno Libya, ciidamada Soomaaliya-na ma ahan calooshood u shaqeystayaal, sida ciidamada kale ee la sheeg-sheegayay. Marka anaga ma haysano calooshood u shaqeystaal” waxaa sidaas horay u yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

     
Loading...