Kenya Oo Faah-faahisay Diyaarad Ciidan Oo Ku Dhacday Dhoobley

Wednesday August 05, 2020 - 08:56:58
Hadhwanaagtv
"War-saxaafadeed goor dhow kasoo baxay milatariga Kenya ayaa lagu sheegay in diyaarad nooceedu yahay Harbin Y-12"

Dawladda Kenya ayaa goor dhowayd faafaahin ka bixisay diyaarad shalay shil ku gashay garoonka diyaaradaha ee degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

 

War-saxaafadeed goor dhow kasoo baxay milatariga Kenya ayaa lagu sheegay in diyaarad nooceedu yahay Harbin Y-12 oo ay leeyihiin ciidamada cirka Kenya ay shil ku gashay garoonka Dhoobley, iyadoo xilligaasi usoo duulaysay magaalada Nairobi.

 

Kenya waxay sheegtay in dhammaan 10-kii qof ee saarnaa dyaaraddaasi oo ka tirsanaa milatariga ay xaaladdoodu deggan tahay, ayna ku jiraan cisbitaalka milatariga Defense Forces Memorial Hospital ee magaalada Nayroobi.

 

Waxay Kenya intaasi ku dartay in koox baarayaal ah ay xilligan ku sugan yihiin magaalada Dhoobley si ay shilkaasi uga gun gaaraan.

 

Shilkan ayaa dhacay 3-dii Augus, 2020-ka. War saxaafadeedku ma sheegin sababta ugu wacnayd in diyaaraddaasi shil gasho.

     
Loading...