Nuxurka Kulan Mucaaridka Iyo Muxaafidka Somaliland Ka Yeesheen Arimaha Doorashooyinka

Thursday July 02, 2020 - 19:01:30
Nuxurka Kulan Mucaaridka Iyo Muxaafidka Somaliland Ka Yeesheen Arimaha Doorashooyinka


Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland iyo xisbiyada mucaaridka ah ayaa kulan ka yeeshay qabsoomida doorashooyinka golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanada dalka.


Madaxweyne ku xigeenka somaliland iyo masuuliyiin ka socota xukuumada ayaa maanta kulan la qaatay xubnaha ugu sareeya xisbiyada mucaaridka ah ee Waddani iyo Ucid oo ay hogaaminayeen Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe.

Image may contain: 3 people, people standing and outdoor

Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo ah la taliyaha Muuse Biixi ee dhinaca doorashooyinka oo ka warbixiyey kulanka dhexmaray mucaaridka iyo muxaafidka ayaa ku macneeyey shirkan mid lagu falanqaynayey arimaha doorashooyinka.


La taliya Cabdilaahi Cukuse "Doorashada ayuunbuu kulanku ku saabsanaa, waxaana doraad la dhaariyey labadii xubnood ee komishanka ka dhinaa ka dib markii ay golaha wakiiladu ansixiyeen kuwaas oo ka mid ahaa waxyaabihii caqabada ku ahaa in doorashooyinkii wakiilada iyo deegaanadu qabsoomaan kuwaas oo mudo dhaaf ah.”


La taliye Cukuse oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Kulankani waxa uu bilaw u yahay shirar dhawr ah oo lagaga hadli doono qabyo tirka waxyaabaha u baahan in la xaliyo ee doorashooyinka suurtagal ka dhigi kara inaynu qabsano wakhtiga ugu dhaw.”

     
Loading...