Somaliland Oo Ka Cadhootay Oromo Shir Jaraa,id Ku Qabtay Hargeysa Iyo Digniin Ay U Dirtay

Thursday July 02, 2020 - 17:40:39
Somaliland Oo Ka Cadhootay Oromo Shir Jaraa,id Ku Qabtay Hargeysa Iyo Digniin Ay U Dirtay


Hargeysa(HWN):-Xukuumadda Somaliland ayaa si weyn uga cadhootay Qaxoontiga Oromada ah ee ku dhaqan Magaalada Hargeysa , kuwaas oo doraad qabtay shir saxaafadeed ay kaga soo horjeedaan dilkii Magaalada Addis Ababa loogu geystay Fannaankii lagu Magacaabi Jiray Haajaalu Hundeesaa, kaas oo ahaa mid si weyn ugu ololeyn jiray qoomiyadda uu ka dhashay ee Oromadda.



Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha guddaha Somaliland Cabdinaasir Caydiid oo war-baahinta Qaranka la haddlayey ayaa digniin culus u diray guud ahaan-ba ajaanibta ku nool Dalka Somaliland waxaanu sheegay in aanay aqbalayn inay guddaha dalka ka abaabulaan mucaarad iyo wax kale "Waxaad arkayseen dad ka had-hadlaya war-baahinta dalka guddihiisa ka soo gashay oo ah dad ama qoxoontinimo ama si kaleba haku yimadaane dad ajaanebi ah oo jooga,markaa waxaan halkan uga sheegayaa dadka ajaanebiga ah oo aan digniin ka siinayaa, qof ajanebi ah oo dalka Somaliland cid siyaasad kala haddli karaa ama war-baahin soo istaagi karaa ma jiro,dadka magan-gelyo ayaanu siinay si nabad-gelyo ah inay u joogaan oo ay uga shaqaystaan, lakiin umaanaan siinin inay dagaalo ka dhex abuulaan oo ay Mucaaradnimo ka dhex sameeyaan.” Ayuu yidhi.


Waxaanu intaas ku daray in aanay mar dambe u dul-qaadan doonin in ajaanibta dalka ku sugani ay shir Saxaafadeed lamid ah kii Oromada ay doraad qabatay oo kale ay dalka ku qabtaan"Intaa hore ee dhacday ee xalay ama hebeen hore dhacday digniin ayaanu uga dhigayna,lakiin marka markaa xigta ee qof ajaanebi ah lagu qabto isagoo ka haddlaya meel war-baahin ah ama abaabul shir ka dhex wada dalka guddihiisa uma dul qaadanayno mana aqbalayno,waxaanu ugu baaqaynaa in qof kasta oo ajaanebiyi uu si caadiya iskaga shaqaysto dadka ula noolaado,wadanka inuu fowdo ka abuuro ugu maanu oggolaanin .”


Geesta kalena Wasiir Cabdinaasir Caydiid ayaa sheegay in kooxo abaabulan oo ajaanebi ahi ay qorshaynayaan inay shirar ku qabsadaan dalka, balse haddii ay qabtaan wuxuu sheegay in talaabo addag laga qaadi doono "Qaar ayaa la sheegayaa inay shirar iyo wax ka shaqaynayaa, waxaanu balan-qaadaynaa in ay shirkaas haddii ay iskugu yimadaan oo ay rasmi noqoto aanu ka qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan oo ta ajaanebiga khusaysa ah ama khalkhal gelin dalka ay magan gelyadda u joogaan,waajibaadka aanu xaq u leenahay ayaanu marin doonaa,annagu imanka odhan mayno hebel iyo hebel waanu wadda garanaynaa Magacyadooda meeshay ay ka shaqeeyaan ayaanu wadda haynaa cidday yihiin ayaanu garanaynaa kuwaa iyo kuwa kale ee lamid ka ah ama Itoobiyaan oo dhan ha noqdaan ama Oramo ha noqdaan,ama ajaanebi kale ha noqdaan,cid kasta oo ajaanebi ah oo dalkan Somaliland joogta waxaanu faraynaa inay si nabad-gelyo ah u joogaan uga shaqaystaan uga Ganacsadaan xor iyo xalaal ayaanu u siinay, lakiin wax kale inay sii galaan lama ogolaanayo.” Ayuu yidhi Wasiir Xigeenku.


Dhanka kalena Dorraad ayey ahayd markii ay qoomiyadda Oramada ku nool Magaalada Hargeysa ay shir Saxaafeed ku qabteen, kaas oo ay si weyn ugu Cambaareeyeen dilka loogu geystay Magaalada Addis Ababa Fannaankii lagu Magacaabi Jiray Haajaalu Hundeesaa oo ahaa nin u ololleeya arrimaha qoomiyadiisa Oramada.


 

     
Loading...