Hargeysa(HWN):-Dawlada Chine ayaa ka hortimid xidhiidhka ay somaliland la samaysatayTaiwan oo ka mid ah dalweynaha Chine.
Safaarada wadanka Chine ku leeyahay soomaaliya ayaa qoraalo ay soo saartay ku sheegtay inaan la aqbali Karin xidhiidhka ay somaliland la samaysatay Taiwan oo ay sheegeen inay ka mid tahay dalweynaha Chine isla markaana aan haysan madax banaani ay kaga hoos baxaan.
Safaarada Chine ee soomaaliya ayaa qoraaladeeda ku sheegtay in xidhiidhka somaliland la samaysanayso Taiwan ay u arkaan faragelin lagu samaynayo dalka Chine isla markaana aanay aqbali doonin.
Qoraalka ka soo baxay safaarada Chine ee Muqdisho ayaa lagu yidhi "Waxaa jira aqoonsi guud oo la xidhiidha shiinaha oo hal dal ah,Waxaan si buuxda u diiddanahay laba Chinas, hal Shiinaha iyo mid Taiwanah, madaxbannaan Taiwaniyo xoogagga gooni u goosadka ah ee u doodaya madaxbanaanida Taiwan waa kuwo ku xadgudbaya dalweynaha Shiinaha mana ogolaanayno.
Sidoo kale safaarada Chine ee magaalada Muqdisho ayaa qoraal kale oo ay soo dhigtay Twitter-ka ku tidhi "Mabda 'Shiinaha' waa mid la jaanqaadaya isbeddelka xilliyada lana kulma rabitaanka dadka. Si loo xaqiijiyo dib-u-mideynta Shiinaha waa isbeddel taariikhi ah oo aan la sii malayn karin. Dadka Shiinaha ee haysta 1.4 bilyan waxay si adag u ilaalin doonaan qaranimada iyo wadajirka dhulalka, waxaanan si adag uga soo horjeednaa faragelin kasta oo dibedda ah oo ku timaada arrimaha Shiinaha oo ay mudan tahay in lagu guuldareysto.”