Bidhiq Faan Weynaa ( Abdi-Shotaly)

0
Saturday January 04, 2020 - 15:23:14 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1761
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bidhiq Faan Weynaa ( Abdi-Shotaly)

    Beriggii hore dadku wax aanay hayn kuma ay faani jirin, Waxa jiri-jirey in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beriggii hore dadku wax aanay hayn kuma ay faani jirin, Waxa jiri-jirey in
 
aan nin wax aanu samayn karin lagu halayn jirin, awood-na aanu u lahayn, dadnimo ahaan iyo raganimo, mid-na aanu ku dhici karin, iskuna deyi karin, hawaysan karin, baa hadba waxa jirey maalin ayaamaha ka mid ah, nin la yidhaaho " Bidhiq" baa waxa ka soo baxay ama yeedhay eryo lala yaabay, oo kuwii lagu yaqaanay ama bartay ka duwan, kuwaas oo dadkii ka fajiciyey, loo qaadan waayey hubaala ah, in aanu sinaba u samayn karin, haduu isku dayo'na, ay tahay arin uu isagu gacan-tiisa isku gawracaayo, Akhristaw, Oday si wacan u yaqaanay, oo ay is xigeen baa loo sheegay oo la yidhaaho " Aw Kadleeye ma maqashay? waxa af-kiisa ka soo yeedhay " Bidhiq", dabeed ilayn waa rag dul iyo hoos-ba isu oge, inta uu qoslay buu yidhi, malaha ninka waxaas yidhi maaha Bidhiq ee qof kale baad ku khaladeen ee inaga hubsadda, ma cid la joogtay baa afka u dhuubtay oo tidhi sidaas dheh? Waxan qabaa in uu qof kale yahay. Waxa loogu jawaabay " Aw Kadleeyaw waa isaggii" Ee maxaad u malaynaysaa? Isaga oo is ilawsan buu ku celiyey, waxa dhega-hayga ku soo dhacayaa, haddii ay dhab yihiin " Waa yoomal-qiyaamihii oo soo deg-degay" ee ha loo diyaar garawo. haddii waxad ii sheeegay-saan ay run yihiin.



Illaah ha u naxriisto'e " Laf-Cambe" Baa tix uu lahaa waxa ka mid ahaa eryo aad u qiimo badan oo ahaa " Waa duni ninkii aad ahaa, aakhiraw kacye, waa duni iblays iyo nin xumi, ay adima-yaane" Waxan uga socdaa oo igu kelifay, in aan soo qaato murtidda sare ku qoran. waxa ka soo yeedhay qoyska " Raggii ma adigaa ka hadhay", oo beryahan dambe leh sifihii heestii " Wuxu soo abraara-ba, Jacaylkii oodda soo jebi, alam-tarana soo dhaaf" Waxay kolba dad masaakiin ah ku qabsadaan Baloodh iyo beer-ba, maantay yidheen waxanu xidhaynaa Gudoomiyaha Xisbiga Ucid " Waa Faysal Cali Waraabe'" Taasi waxy inoo sheegaysaa, in uu bilaabay dagaalkii sokeeye, ee inta badan ummadu ka gaws qabsatay, kaas oo ay raadina-yeen Labadda askari ee bilaa caqliga ahi. Waxa la yidhi " Geelaw soco-soco oo markaad ciin daaqdo baa laguu yaabaaye" sheekadu waa tii ahayd " Baroorta Orgaca ka weyn" Waana iska cadaan, qoys ma haysto Faysal ee askariga baa ka dambeeya arintan. Waxan leeyahay " Ninkii ba'naayaw lagu fasax" ee waxad hayso soo daa, wax inoo kala qarsooni ma jiraane. Beri baa nin meel iska maraaya, baa wuxu ku soo baxay reer jees ah oo cidla yaala, wuxu la kulmay ninkii qoyska lahaa, markii la is warystay ka bacdi, baa ninki jidka maraayey, uu ku yidhi kii guriga lahaa magacaa? Wuxu ugu jawaabay waxa la i yidhaahaa " Looge", Nin martidda ahaa baa inta uu ilko cadeeyey yidhi " Waxad loogto-ba waa laguu mina fadhiyaa", ee soo qal aan kula eegno waxad loogayso'e. Ujeedo iyo haatan, waxan leeyahay Askariga maskax feredka qaba, Ina Cali Waraabe wuu imanyaa ee yaan lagaa waayin Afar kub oo laba xaad leedahay, oo micna-heedu yahay, marka aad xidho baynu isu leenahay, wax badan baa lagaa warwa-reegaye. waan ku arkaa oo wad-kaaggii baad gacanta isugu haysaaye.


Waxan ku soo xadeeyey maqaalkan, oo hadal igaga dhan yahay. Waxan halkan hambaliyo iyo bogaadin uga dirayaa, odayaasha, salaadiinta, boqoradda, siyaasiyiinta Daa'uud garxajis ( Ciida-gale), ee shalay shirka ku qabsday Hargeysa, kuwaas oo aan leeyahay waad ku mahadsan tihiin, jawaabta waafiga ah ee aad u dirteen labadda askari ee riyadda beenta ah isu sheega, kuwaas oo nacasnimo awgeed uu sanku duuf ka dareeraayo, ku riyooday Ina Cali Warbe baad xidhi kartaan. Waxa kale oo aan halkan uga sheegayaa dhamaan Shicibka mataanaha meel ay joogaan-ba ( Wa Arab iyo Garxajise) in ay is garab taagaan odayaasha hadlay, haddii ay hadal noqto ama gacan la qaado intaba, oo si wacan u taabsii-saan askarta xumaanta wakhtiga badan baafinaayey. Waa in aad san-koodda saliidii la odhan jirey macsarta ka tuuji-saan, kaadsan waaye ee waan in khasab iyo sandule af-goos, aydin olol dhamac ka soo baxay dabadda u saartaan. Dhaaxaa la lahaa kaliilaw kaadso, oo uu diiday askarigan waalaniye, Waa in ganafka xun ee uu sare u taagaayo cidhib-tiisa lagu xidhaa. Hora aloo ydihi " Duqsi caano ku dabala bartay, fuud kulul buu ku gub-taaye" Waa in uu noqdaa weyshii la yidhi " Gu'baad dhalatee, arag jiilaal-kuna sidduu yahay, birin-birqo day weydaye.


* N.B Duqsi Caano Ku Dabaal Bartay, Fuud KUlul Buu KU gubtaa!
Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...