Nidaamka Batroolka Iyo Dollarka

0
Saturday January 04, 2020 - 08:32:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1086
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nidaamka Batroolka Iyo Dollarka

    Ifafaalahii Dadgaalkii Sadexaad Ee Aduunka /1/3/2020

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ifafaalahii Dadgaalkii Sadexaad Ee Aduunka /1/3/2020

Waxay hindistay raabidada doolarku ee dahabka daboolatay in ay curiso nidaam maaliyadeda oo cusub  ay bilaabaan  todobaatanadii kaas  oo lagu xidhayo doolarka alaabooyinka muhiinkaa ee istiratiijiyadaa(strategic ) ee caalamka, taas oo  korodhay dalabkeedu kadib  markii uu qiimaha sicirka baartoolku sare ukacay sandkii 1973kii ee uu  baralmiilkii noqday 3-12 doller, sidii uu u kiciyey nidaamkii sofiyatigu maalka caalamka sanadkii 1973kii uun abedelay maamulaka lacagta aduunka, taasina oo noqotay khiyaamo ay waashigton ku qabsanayso  nidaamka maaliyada caalamka,     ,sidaas darteed waxa uu dollaku koobay tijaaradii caalamka ,waxaynu marykanku xukumay in uu qabsado nidaamka maaligaa ee caalamaka ee cusub, waxaanu  ku dhawaaqay in nidaamkii Britonwoo uu dhamaaday shirkii ka dhacay Jumayka sandkii 1976dii ,lana joojay bixintii naqdiga ahayd ee dahabka,



Inqilaabadii dhaqaaalaha (economic coup)

Waxay ku kacday U.S.A, todobaatanadii iyo sideetanaadkii inqiilabyo ay ka danbeyso oo malitrya oo   dalalka konfurta ameerika iyo yurub   la doonayey in shuuciyadii lagag saaro, kuwaas oo ay ka mid ka ahaayeen Tashiiliya ilaa Baraasiil ilaa argantiin, si loogu bedelo nidaam raasamaaliya ( capitalism ) oo taageersan marykanka, teed kale waxa uu marykanku ku guulaystay in ay caawiyaan raysal wasarahii engriiska (Margaret teacher) howgalkii loo bedelay raasamaaliyiin (capitalism)  dalka boqortooyada Britain


Ururka shangahaay

Caalamku wuu ka ficil celiyey  dulmiga   maraykanka uu ku hayo maaliyada  caalamka, dalalka Ruushka , Shiinaha, waxay aasasaaseen nidaam maaiyadeed oo u dhigma ka reer galbeedka waxayna munadamadaas dhamaystiran tay sanadkii 1996kii  ayna    ka midka yahiin dowlaha aasiyada dhexe ,Hindiya .Bakistaan ,Turkiga iyo IIraana oo ah goobjoogayaal, sanadkii 20117kii waxay munadamdu ku guulaysatay shan moolood dhaqaalaha aduunka oo u dhiganta 15 trillion oo doller, arinkuna waxa uu noqday mid cakis ku ah in dollerka lana  diido, kaas oo   qabsaday caalamka, iyo soo bixida mandaqada loogu yeedho  eurozone taas oo ka shaqaysa Shiinaha iyo  Ruushka ,si ay u la dhigto midowga yurub kuwaas s oo uu halakeeyeen burbur dhaqaale oo qoto dheer,

 

Munadamada suwfat iyo ruushka


Markii Ruushu  qabsaday jaziirada qaram sandkii 2014kii ,maraykanku waxa uu u hanjabay ruushka in uu ka  eryi doono ururka( swafta ) ee isku xawila laxagaha aduunka kaas oo ay ka midka yahiin in kabadan 11 Bank  iyo shrkadood oo ka jira caalamka, waxyna Ruusku taas kaga jawaabay hanjabaad ku saabsan in uu sameeyo nadaam maaliyadeed oo la tartama nidaamka maliyayadeed ee uu hagayo markaykanku, waxyna sharciyeysay in ay caawiyo nidaam madax Banaan  oo yuribiyaana oo xawila lacagaha oo gaar ah kuwaas oo bilaabay shaqadooda sandkii 2017kii ,kaas oo qaanuuniyan la tacaamulaya una dhaxeeya yurub iyo Ruushka . kuwaas  oo ka dheer  cuna qabtaynta  maraykanka  , Shiinahuna isguna waxa uu ku dhaqaaqay mid lamidd ah tii  Ruushu sameeyey  oo muhiimadeeduna  tahay xawilaadaha   young ,  kaas oo isna shaqadiisa bilaabay bishii maarso ee sandkii tagay, ee 2019ka,

Lasoco,

By: khadar adam aw muuse

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...