JABHADDA CAARRE: Guul Ilma-qabataya...W/Q Hassan Garnayl

0
Thursday January 02, 2020 - 23:40:35 in Articles by
  • Visits: 1579
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    JABHADDA CAARRE: Guul Ilma-qabataya...W/Q Hassan Garnayl

    JABHADDA CAARRE: Guul Ilma-qabataya...W/Q Hassan Garnayl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

JABHADDA CAARRE: Guul Ilma-qabataya...W/Q Hassan Garnayl


Indhawaale ba Is-bahaysiga Marya-alool ee ujeedo badanta ah, kana mid yahiin Ruushka, Masar, Imaaraatka, Suudaan iyo Faransiiska oo taageero military iyo tu siyaasadeed la barbar taagan General Khaliifa Xaftar, waxy ka meer-meerayeen waan-waanta Jarmalku wado; waxaa ay is tuseen in caasimadda Tripoli laga qabsan karo xukumadda midnimada qaran ee caalamku aqoonsan yahay, ka hor miiska wada xaajoodka mustaqbalka Liibiya, si gorgortanka xukumadda Faa'is Sarraaj hoos loogu dhigo.




Laakiin, xaalku wuxuu is badelay 30kii December, ka dib markii uu madaxweyne Erdugan ka codsaday Baarlamankiisa in ciidamo loo diro Liibiya; siddoo kale wuxuu bilaabay asaaska is-bahaysi kale oo la safan xukumadda, kana mid yahiin Turkey, Tunisia, Qadar iyo Aljeeriya oo leh ciidan ka mid ah kuwa gobolka ugu xoogan. Kaliya dhawaaqaas aanu ficilku la socon ayaa badalay jewigii, kuna qasbay dhinacii kale wada-xaajood iyo in la aaddo shirkii Baarliin ee January.


Muhiim may ahyn heerka ay gaadhaysa awooda jabhadda Caarre, aragtideeda siyaasadeed, nooca ay u hawal-galayso iyo cimrigeedu intuu gaadhayo. Waxaa kaliya guul ahyd in jabhad lagu dhawaaqay, lana muujiyey jirritaankeeda. Go'aankaasi wuxuu u quus go'aayey dhaqanno guran oo uu Muuse Biixi damacsanaa; waxaa la tusay sidda ay ummaddu diyaar ugu tahay in qoriga qaadato oo mar labaad gobonimadeeda difaacdo. Xaqiiq, haddii aanay saaxadda iman jabhadaasi maanta Muuse meel adag ayuu inala mari lahaa. Wuxuu la soo bixi lahaa wixiisii xilka lahaa, maanta se wuu ogyahay inay welli dunnida rag joogaan. Jirritaanku jabhaddu waxay buuxisay kaalin ay ka gaabiyeen xisbiyadii iyo goleyaashii dastuutiga ahaa; waxay abuurtay jewi Biixi ku qasbay miiska wadahadalka.


Ugu dambeyn, waxaan hambalyaynaynaa beesha Garxajis ee dhawaaqii nabadda ee maanta ka soo shaqaysay. Waxaan kula talin lahaa, in hawlaha farsamo ee hadhay la hakiyo dhamaystirkooda illaa 10 January, si loo hubiyo inay nabaddu Muuse ka dhab tahay. 10ka January sidda uu Muuse uga jawaabo hishiiskii Muuse Dalab gadhwadeenka ka ahaa, waxay jawaab u noqon doontaa sidda loola macaamili doona maalmaha xafiiska ugu hadhay.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...