Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Oo Loo bixiyay Cali Tuug

0
Sunday December 29, 2019 - 19:12:38 in Articles by A. Asbaro
  • Visits: 1546
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Oo Loo bixiyay Cali Tuug

    Sanadkan sii galbannaaya ee 2019-ka waxa uu ahaa sannad xasuustiisa leh, waxaannu gaar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sanadkan sii galbannaaya ee 2019-ka waxa uu ahaa sannad xasuustiisa leh, waxaannu gaar

Sanadkan sii galbannaaya ee 2019-ka waxa uu ahaa sannad xasuustiisa leh, waxaannu gaar u yeeshay dhacdooyin badan oo markaad eegto middiba mid ka xiiso badan tahay.

Sanad weliba xusuustiisa lehe'e waxa sanadkan lagu Xusi doonnaa sanadkii uu Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Cali Baqdaaddi), uu u baxay magac cusub oo ka turjumaaya Xatooyadda baahsan ee uu ku kacay mudadii uu joogay Xafiiska Baanka dhexe ee Somaliland.
Shacabka reer Somaliland oo ka darreen-celinnaaya Musuq-maasuqa uu ku kacay Guddoomiyaha Baanka dhexe, ayaa waxay baraha bulshadda iyo goobaha kale ee la isugu yimaaddo ku hadal hayaan magaca cusub ee ay u bixiyeen Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland, kaasoo markii ay arkeen hab-dhaqankiisa gurracan iyo sidda uu uga arradan yahay anshaxa suubban, isla markaanna aannu u lahayn Milgihii iyo sharafkii lagu yaqaannay Masuuliyiintii uga horraysay Masuuliyadda kursiga uu u igmadday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Image result for cali baqdaaddi


Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland oo u dhaqma siddii nin aan Miyir-qabkabba lagu ogayn, ayaa sannadkan sii galbannaaya waxa u baxday oo shacabka reer Somaliland u bixiyeen magaca ah "Cali Tuug" iyagoo u jeedda Caligii hantidda ummadda xadday ee Hotellada ka dhistay Cashuurtii shacabka masaakiinta ah laga soo guray. Sow maad maqli jirin Sebbenkii xumaaddaba rag-baa sahayda Naannays waa tabtii uun Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali tuug sannadkaasi 2019-ka waxa uu galbannayaa isagoo magacaas cusub yeeshay, sannadka cusub ee 2020-ka waxa uu u curranayaa isagoo Cali tuug sita.

Haddaad musuq-maasuqa iyo Xatooyadda Hantidda ummadda ka xishoon waydo oo aad Ammaanadda shacabka iska ilaalin waydo waxa kugu dhacaysa taariikh xumo iyo naannays aan abidkaa kaa hadhin sida hadda ku dhacday Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Cali Tuug).

Cabdiwali Caydiid
Hargeisa,Somaliland

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...