Qaraxyada Magaalada Muqdisho Looma Taag Waayin Ee Waa Loo Talo Waayay

0
Sunday December 29, 2019 - 18:04:47 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1311
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyada Magaalada Muqdisho Looma Taag Waayin Ee Waa Loo Talo Waayay

    Dhagar qabuhu yaab lehe Dadku maanay dhaadayn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhagar qabuhu yaab lehe Dadku maanay dhaadayn

 

Dadku maanay dhuganayn

Dadku maanay dhiiliyo

Dab dhexdooda laga shido

ka ilbaxayn dhibaatada ?

( Abwaan Laabsalax )

 

Hordhac

Qormadan waxaan ku  falanqayn doonaa qaraxyada iyo nabadgalyada ka jirta Gobolka Banadir . side kale waxaan iyadna isha ku qaban doonaa gaabiska ka jira hayaddaha Amniga ee dawlada fadaralka Somaliya.                                                                                                                                                                     


Sababaha loo aanayn karo xasilooni la,aanta magaalada muqdisho ayaa noqon karta labadan :

B.    Siyaasad li,ida la Dagaalanka Alshabaab ee Dawlada

T.    Gaabiska iyo wada shaqayn la,aanta Bulshada iyo hayaddaha Amniga

 

B.Siyaasad li,ida la Dagaalanka Alshabaab ee Dawlada

Tan iyo intay jirta xukuumada uu gadhwadeenka yihiin mudane Madaxwayne Maxamed Farmaajo iyo Mudane Raysal-wasaare Xasan Cali waxaa soo kordhay Awooda iyo saamaynta qaraxyada ay soo Abaabulaan kooxda Alshabaab , taas badalkeedana madaxda dawlada fadaralka Soomaaliya waxay xulashada madaxda hay,addaha Amniga ku saleeyeen nin jecleysi iyo dano shakhsi taas horseeday gumaadka shacbiga soomaaliyeed gaar ahaan shacabka ku nool magaalada muqdisho

 .                                                                                                                                                                                                                        Waxaan filayaa in akhriste aad   jeclaan lahayn in aan keeno ama soo bandhigno cadaymo muujinaya gaabiska  iyo hawl gabka hay,addaha amniga gaar ahaan labada hay,addood ee kala ah Booliska iyo Nabad sugida .

Booliska

Ciidamada boolisku waa ilaaliyayaasha shacbiga iyo sharciga waan xooga Amni ee ilaaliya hubiyana badqabka muwaadinka iyo maalkiisa .                                                                                                                                                                             Taasi may gudan ciidanka booliiska waayo lamay iman qorshe iyo siyaasad lagu ilaalin karo shacbiga taas oon ka ahayn xidhista waddooyinka magaalada muqdisho .

Nabad Sugida

Hay,adda sirdoomku waa hay,adda xooramisa ama raadisa ama saadaalisa khataraha amni ee qaranka ku soo fool leh waana kuwo laga rabay in ogaadan  dhaqdhaqaaqa Alshabaab sidoo kalana ilaaliya bad qabka Amni ee shacbiga taasba iska daaye muqdisho ayayna ka warhayn .

 

T. Gaabiska iyo Wada shaqayn la,aanta Bulshada iyo hay,addaha Amniga

Kala fogaanshiyaha laamaha Amniga iyo bulshada waxay fursad siisay Alshabaab                                                                                     waxayna sababtay in magaalada gudaheeda Alshabaab ku diyaarin karto qaraxyo iyo dilal qorshayn iyada oo waxba ka cabsi qabin .       

 

Contact

Abdoulrahman Ya’Qub Hassam

Borama, Awdal , Somaliland

[email protected]                                                                                        

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...