Gud.Axmed Cabdi Dheere iyo Maxamuud Xaashi Keebaa Ku Haboon Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye...???

0
Sunday December 29, 2019 - 17:55:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gud.Axmed Cabdi Dheere iyo Maxamuud Xaashi Keebaa Ku Haboon Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye...???

    Maalmahan waxa doodeedu taagnayd musharaxnimada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalmahan waxa doodeedu taagnayd musharaxnimada
 hogaaminta Xisbiga Kulmiye, Madaxweyne Muuse dabadii, iyadoo isla markaasina ay rag badan oo kamida xisbigu u hanqal-taagayaan isla markaasina hunguraynayaan inay hogaanka u qabtaan majaraha gudoonka sare ee xisbiga.



Hadaba su'aasha is-weydiinta leh ayaa ah, kumaa ku haboon hogaaminta xisbiga Kulmiye madaxweyne Muuse kadib.


Aan ku horeeyee siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi oo kamid ahaa wasiiradii xukuumadii hore ee Xisbiga Kulmiye ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu u taagan yahay jagada gudoomiyenimo ee xisbiga kulmiye isla markaasina sheegay in uu isagu yahay shaqsiga ku haboon wakhti-xaadirkan inuu noqdo hogaamiyaha xisbiga Kulmiye, isagoo isla markaasina ku doodaya inuu isagu ka mudan yahay dhamaan xubnaha kale ee xisbiga kula jira sababo aanu faahfaahin awgood.


Hadaba waxa aan is barbar dhigidoonaa Gudoomiye Kuxigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Md. Axmed Cabdi Dheere iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi midka ku haboon hogaaminta Xisbiga Kulmiye madaxweyne Muuse Biixi dabadii.


Aan ku horeeyee Maxamuud Xaashi, xukuumadii haatan talada wareejisay ayuu ka ahaa wasiirka ugu awooda badan isagoo isla markaasina kasoo qabtay laba xil oo wasiirnimo kuwaas oo bulshadu ku tilmaantay inuu intii uu xilalkaasi hayey awoodii qaranka uga faa'idaystay siyaabo qaldan isla markaasna uu ku sifoobay hanti-boob qaran, eex iyo qaraabo kiil baahsan, taasi si weyn hoos ugu dhigtay shaqsiyadiisa iyo karaamadiisa siyaasadeed ee mustaqbalka .

Dhinaca kale  Maxamuud Xaashi waxa uu kasoojeedaa beesha Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo dhawaanta wareejiyey xukunka iyo xisbigaba isla markaasina wakhti-xaadirkan aan marlabaad bulshadu xisbiga ka iibsanaynin siyaasi labaad oo musharax iyo hogaan ka noqda xisbiga.


Sidoo kale sababaha siyaasi Maxamuud Xaashi Wakhti-xaadirkan ka maanacaya gudoominta xisbiga Kulmiye ayaa waxa kamida, iyada oo ay caqabad ku tahay wadajirka iyo midnimada qaranka, maadama oo ay bulshadu aaminsan tahay in xisbiga kulmiye noqday meel laba beelood hagbad kugaleen kuna heshiiyeen in ay labadoodaas beelood mooyaane aan cid kale talada dalka qabanin, taasi oo run u eegaanaysa hadii uu hogaanka xisbiga qabto Maxamuud Xaashi.


Dhinaca kale Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye Md. Axmed Cabdi Dheere oo haatan kamida masuuliyiinta ugu miisaanka culus ee hogaamiya xisbiga isla markaasina kamida siyaasiyiinta bulshadu xushmada badan u hayso, ayaa waxa uu kamid ahaa shaqsiyaadkii ugu horeeyey ee aasaasay xisbiga Kulmiye sida uu ina tusaayo tira kaadhkiisa golaha dhexe oo ah A-03 oo macnaheedu noqonaayo inuu yahay xubinta sadexaad ee xisbiga, ayaa sidoo kale waxa uu kamid yahay shaqsiyaadka ilaa aas-aaskii xisbiga usoo dhabar adaygaayey hogaaminta iyo horumarinta himilada iyo hiigsiga xisbiga, kaasi oo duruufo badan oo adag kala soo dabaashay.


Gud. Axmed Cabdi Dheere oo kamida shaqsiyaadka ay iskugu dhaw yihiin Madaxweyne Muuse Biixi ayaa wuxu kulan saday, sababo badan oo uu ku noqon karo hogaamiyaha bedelidoona, gudoomiyenimadiisa Madaxweyne Muuse.


Hadii aan xuso qaar kamida sababahaasi iyo jaanisyadaasi uu nasiibka u helay Gud.Md. Axmed Cabdi Dheere,isla markaasina uu kaga mudnaaday dhamaan raga hungurigu kaga jiro hogaaminta xisbiga Kulmiye ayaa waxa kamida.


  1. Gudoomiye Axmed Cabdi Dheere waxa uu kamid yahay saaxiibadii tirada yaraa ee maalmihii adkaa kusoo hadhay Madaxweyne Muuse Biixi, marxalado badan oo adagna lasoo wadaagay.
  2. Gud. Axmed Cabdi Dheere waa siyaasi bilaa godob ah oo bulshadu ogoshay, isla markaasina aan kusifoobin, qabyaalad, qaybin eex iwm
  3. Gud. Axmed Cabdi Dheere waa siyaasiga kaliya ee hogaaminta xisbiga kulmiye ay dawo u noqon karto wadajirka iyo midaynta qaranka,isla markaasina ay meesha kaga bixi karto dacaayadii xisbiga Kulmiye ee bulshadu kutilmaamaysay in xisbiga kulmiye yahay hagbad laba reer ku heshiiyey in marba mid qabsado, taasi oo wakhti-xaadirkan aad muhiim u ah in xisbigu si macnawiyan ah u beeniyo bulshadana tuso in xisbiga loo sima-yahay
  4. Sidoo kale Gud. Axmed Cabdi Dheere waa siyaasi kasoojeeda beesha garxajis isla markaasina saamayn siyaasadeed oo mug culus ku dhex leh, taasi oo uu ku guulaystay doorashadii kadib inuu xaliyo iskuna soo dhaweeyo kala fogaanshihii beeshiisa iyo xukuumada Madaxweyne Muuse ee ka dhalatay xurjuftii doorashada, xalinta arintan oo marxalado badan uu la maray ayaa ugu horeyn waxa uu 100% kasbaday bulshada kasoojeeda deegaanka bariga Hargeysa oo uu ardaa ahaan isagu kasoojeedo, deegaankan oo markii hore xisbiga wadani taageerada ugu badan ka haystay ayaa haatan uu kala wareegay 100% taasi oo cadaatay bishii hore markii xisbiga Waddani mudaharaadka ku baaqay in la iskugu yimaado xarunta guud ee xisbiga oo kutaala xaafada bariga Hargeysa, taasi oo ay kasoo horjeesteen dadweynaha deegaankaasi iyagoo isla markaasina dhalinyaro iyo waayeel ka istaagay mawqif midaysan kana diiday xisbiga Waddani inuu xaafadooda ka mudaharaado, arintan oo banaanka usoo saartay sida uu xisbiga Waddani faro madhan uga taagan yahay taageeradii uu hore uga haystay deegaankan.
  5. Gud. Axmed Cabdi Dheere ayaa sidoo kale dadaal badan galiyey sidii uu gudoomiye Cirro iyo xisbigiisa Waddani ugala wareegi lahaa badi taageerayaasha kasoojeeda beelweynta garxajis ee gobolada dalka, taasi oo ilaa hada ay uga suurtagashay inuu hantiyo in ku dhaw 60% oo kamida taageerayaashii beeshaasi ee hore u ahayd Waddani.
  6. Gud. Axmed Cabdi Dheere ayaa sidoo kale waxa uu wakhti-xaadirkan yahay sii-yahay xilka Gudoomiyenimo ee xisbiga maadaama labadii masuul ee uga sareeyey ay haatan ku mashquulsan yihiin xilalkii qaranka iyo hawlo aad uga culus xisbiga, taasi oo sharciga xisbigu siinaayo inuu isagu sii wado hogaaminta xisbiga 


Hadaba adiga ayaan kuu dhaafayaa su'aashane, akhriste bal is-weydii oo keebaa ku haboon hogaaminta Xisbiga Kulmiye madaxweyne Muuse dabadii, ma Gud. Axmed Cabdi Dheere mise Maxamuud Xaashi, kolay caqliga saliimka ah ee fikirayaa wuu arkayaa midka xalka iyo wadajirka, Xisbiga iyo ka qarankuba ku jiro


Allaa Mahad Leh


Cabdixakiin C Xasan

Hargeysa Somaliland

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...